Dani Alves oo Baadhitaan lagu Bilaabay Maalmo ka Hor Koobka Adduunka & Dembiga Loo Haysto

0
165

Maalmo kooban ka hor waqtiga uu bilaabmayo Koobka Adduunka, waxa soo baxaya warar sheegaya in boolisku ay baadhitaanno ku bilaabeen difaaca midig ee reer Brazil ee Dani Alves oo loo haysto dembiyo uu ka galay waddankiisa,

38 jirkan oo uu tababare Tite ku daray xulka qaranka Brazil ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka, ayaa isku diyaarinaya inuu markii markii saddexad ciyaaro tartankan weyn, hase yeeshee diyaar-garowgiisa ayaa waxa dhantaalay baadhitaano ay ku bilaabeen boolisku.

Warbaahinta waddanka Brazil ayaa sheegtay in wasaaradda federaalka ee dadweynaha Brazil (Brazilian Federal Public Ministry ) ay soo gudbisay gal-dacwadeedka baadhitaanku ka dhashay oo sheegaya inay la helay macluumaad muujinaya in Dani Alves uu lacag 6.2 milyan oo reais ah uu siiyey urur samo-fal ah (NGO) aan buuxinin shuruudaha, taas oo loo arko inay sharci-darro tahay. Waxa kale oo baadhitaankan oo kale uu ku socdaa laacibkii hore ee khadka dhexe ee Emerson Sheikh.

Lama sheegin in ay arrintani saamayn ku yeelan doonto in Dani Alves uu ka  qayb-galo Koobka Adduunka, hase yeeshee waxa war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ay ku xaqiijisay, in Dani Alves uu lacag siiyey urur sharci-darro ah, isla markaana ay tahay dembi qaran.

Leave a Reply