Guddida Fulinta Siyaasadda Dhulka oo go’aamiyey magacaabista dhiggooda  Dacwadaha

0
197

Hargeysa -(Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Shir Gudoomiyey shirkii 7aad ee Guddida Farsamo ee Fulinta Siyaasadda Maamul Dhulka ee Heer Qaran, kaasoo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka maalintii shalay.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyey Siyaasadda Dhulka iyo Sidii Wasaaradda waliba doorkeeda sharcigu siiyey ay u qaadan lahayd, sidoo kale shirkan ayaa lagaga dooday Qodobada ka fulay kulankii kan  ka horeeyey oo ka qabsoomay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkan ayaa la iskula qaatay in la magcaabo Guddida ka Garnaqa Dacwada Dhulka, kuwaasoo ay iska arkayaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Cabdilaahi Abokor Cismaan,kaddibna uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guduhu ku soo saarayo Wareegto Wasiir, sida uu dhigayo Xeer 17.

Xubnaha Guddida Wasiirada ah ee kulanka ka qaybgalay, ayaa kala ahaa:

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Cabdilaahi Abokor Cismaan Cismaan.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iiman Warsame.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Axmed Aadan Gurey.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Cabdilaahi Faarax Cabdi.
Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Shugri Ismaaciil Baandare.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani.
Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.
Waxaa kale shirkankan ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Leave a Reply