Mu’adin Masaajid oo lagu Wareejiyay Gaadhi Curyaan, isaga oo Fariin warbaahinta u Mariyay walaalihii u soo iibiyay

0
267

Qulujeed (Dawan) – Cabdi Maxamed Xuseen waa wiil ka mida bulshada baahiyaha gaarka ah qabta, waa mu’adinka mid ka mida masaajidada degaanada hoos yimaada degmada Qulujeed ee gobolka Awdal.

Sheikh Cabdikariim Xuseen Iidle ayaa ku wareejiyay gaadhi mooto ah kaas oo loogu tallo galay in ay wataan dadka aan laxaadkoodu dhammeyn.

Cabdikariim waxa uu sheegay in sanduuqa Alkhayri looga soo saaray, isla markaana isaga lagu soo hagaajiyay lacagta uu gaadhigan mootada ku soo iibiyay.

Guddoomiyaha degmada Qulujeed ee gobolka Awdal Maxamed Xuseen Cismaan, ayaa Sheekh Cabdikariim ka guddoomay gaadhigii Mootada ahaa ee loogu tallo galay in Cabdi Maxamed Xuseen uu kaga baxo baahidii u haysay helitaanka gaadhi wanaagsan.

Waxaanu yidhi.“Hadiyad Sanduuqa Alkhayri looga soo saaray ALLE ha barakeeye, Cabdi Maxamed Xusen oo in muddo ah la cadila baaskiilkaas, ahna mu’adin masaajid isla markaana Qur’aanka Kariimka ka barta.
Waa gaadhi Mooto ah”

Guddoomiyaha degmada Qulujeed ee gobolka Awdal Maxamed Xuseen Cismaan, ayaa Sheekh Cabdikariim ka guddoomay gaadhigii Mootada ahaa ee loogu tallo galay in Cabdi Maxamed Xuseen uu kaga baxo baahidii u haysay helitaanka gaadhi wanaagsan.
.
Waxaanu yidhi.“Anigo ah guddoomiyihii degmada Qulujeed waxa uu Sheekh Cabdikariim Xuseen Iidle na soo gaadhsiiyay, gaadhi Mooto ah, kaas oo loogu talo galay in lagu wareejiyo Cabdi Maxamed Xuseen oo ah Mu’adinka masaajidkan, ILLAAHEY ayaa mahad dhammaanteed iska leh, markii hore baaskiil ayuu watay isaga oo in muddo ah la cadila, balse hadda kaga marmi doona Mootadan ay walaalihiisa muxsiniinta ahi u keeneen, iyaga oo uga soo saaray Sanduuqa Alkhayri ee dalka Sucuudiga.

Waxaanu leenahay ILLAAHEY miisaanka xasanaadka haydiinku daro, halkii aad ka soo saarteena wax khayrqaba ALLE haydiinku baddelo.”

Mid ka mida haweenka gacanta ku haya Cabdi Maxamed Xuseen, oo ah rajay ay hooyadii dhimatay ayaa iyada oo qiiraysan waxa ay si niyadsami ah ugu ducaysay walaalaha muslimiinta ah ee gacanta ku haya Sanduuqa Alkhayri ee dalka Sucuudiga, ee ugartay in ay soo diraan lacagta loogu soo iibiyay gaadhi curyaanka Mootada, waxa ay ILLAAHEY uga bariday in uu wax khayrqaba ugu baddelo halkii ay ka soo saareen.

Waxaaney tidhi.“ALLIHI abuuray ayaa Cabdi sidan u gartay, anaguna 24 saacadood dhibtiisa iyo oohintiisa ayaanu ku jirnay, walaalahayow waanu idinka gudoonay, abaal weyna waanu idiinku qabnaa, waanu idiinka mahadcelinayna Mootada aad soo gaadhsiiseen isaga oo la daala dhacayay, baaskiiladyar oo aan cago badan ku taagnayn, taasi oo uu ku dhibqabay, isla markaana mararka qaar isaga oo kaligii ah inta ay meelaha kaga xumaato uu dhib ka mari jiray, ILLAAHEY miisaanka xasanaadka haydiinku daro,”

Dadka degaanka Cabdi ku nool yahay ayaa siweyn u soo dhaweeyay gaadhigan lagu wareejiyay, kaas oo wax weyn ka tari doona baahidii uu u qabay in uu mar uun helo gaadhi wanaagsan.

Wey kala fog yihiin goobta uu ku yaalo masaajidka uu mu’adinka ka yahay halka ay xaafadoodu ku taalo, balse maanta haddii ALLE idmo wuu ka raystay wakhtigii badna ee kaga lumi jiray imaanshiyaha masaajidka iyo mararka qaar in uu ka habsaamo EEDAANKII bulshada uu ku baraarujinayay imaanshiyaha salaada iyo in saalada wakhtigeedii la gaadhay.

Leave a Reply