Xukuumadda Somaliland oo Qorshaha Jadwalka Doorashooyinka u Beyaamisay Beesha Caalamka

0
210

“Xukuumaddu waxay u soo jeedinaysaa xisbiyada mucaaridka ah inay raacaan dastuurka iyo nidaamka doorashada.”Wasirka arrima dibedda

Qore. Saleban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mar kale beesha caalamka u beyaamisay qorshaha hawlaha Doorashooyinka iyo sida ay ahmiyadda u siisay suurtogelintooda, sida lagu sheegay warsaxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedd

Waxa kale oo ay xukuumaddu u soo jeedisay asxaabta mucaaridka inay dhowraan xasiloonida iyo ammaanka dalka, isla markaana ixtiraamaan dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla, iyadoo sida lagu caddeeyey bayaanka muwaadiniintana lagu baraarujiyey inay ka taxaderaan ku lug-lahaashayaha wax kasta oo nabad-gelyada qaranka dhaawacaya.

Warsaxaafaddeedka wasaaradda arrimaha dibedda oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan ayaa lagu bilaabay sidan;
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale ugu celinaysaa Beesha Caalamka in Nabadgelyadeeda iyo Xasiloonideedu tahay mid koray oo lama taabtaan ah Xuquuqda Dastuuriga ah ee Muwaadiniintayaduna waa muhiim. waxa kale oo xusid mudan in xukuumadda maanta talada haysaa ay tahay mid si dimuqraadi ah lagu soo doortay oo ku timi doorasho xor iyo xalaal ah.”

Beyaanka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda waxa lagu muujiyey go’aamadii ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada ee khamiistii la soo dhaafay, kaasoo ay xukuumaddu ku shaacisay in la dardar geliyo qorshaha hawlaha doorashooyinka, iyadoo la raacayo jadwalka guddida NEC ee ku aaddan Doorashada.

Warsaxaafaddeedkan ayaa tallooyin loogu jeediyey asxaabta Mucaaridka “Xukuumaddu waxay u soo jeedinaysaa xisbiyada mucaaridka ah inay raacaan sharciga, dastuurka, nidaamka doorashada, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara qalalaase siyaasadeed ama rabshado. taasi waxay halis gelinaysaa dedaalka dheer ee ay Somaliland ugu jirto dimuqraadiyaynta iyo dhismaha Hay’adaha”

Waxaana lagu soo gunaanaday war-saxaafadeedka wasaaradda arrimama dibedda.“Ugu dambayntii, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku baraarujinaysaa dhamaan muwaadiniinteeda ku dhaqanka sharciga inay kala shaqeeyaan hay’adaha sharciga si loo ilaaliyo nabadgelyada qiimaha badan ku fadhida ee qarankani leeyahay”ayaa lagu soo gabagabeeyey warsaxaafaddeedka wasaaradda arrimaha dibadu soo saartay.”

Hadalkan ayey xukuumaddu ugu caddeysay saaxiibada Somaliland ee caalamka halka ay ka taagan tahay arrimaha doorashooyinka iyo ahmiyadda ay siinayso amniga iyo xasiloonida Waddanka, waxaanu daba socdaa hadallo ka soo yeedhayey asxaabta mucaaridka oo kaaf iyo kala dheeri ka dhigaya xaalada dalka iyo mowqifkooda wakhtigan.

Leave a Reply