Albaabada wada hadalka Madaxwaynuhu marna ma xidhin, Mucaaradkaa Xidhay…” Wasiir Siciid Sulub

0
266

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysigga Mudane. Siciid Sulub Maxamed ayaa xisbiyada mucaaradka ah ugu baaqay inay khaladaadkooda ka soo noqdaan.

Mudane. Siciid Sulub oo shalay shir jaraa’id qabtay isla markaana arrimoo badan kaga hadlay oo ay ka mid ahaayeen muddo-kordhintii xukuumada loo sameeyey, hadalkii xisbiyada mucaaradka iyo hannaanka doorashooyinka dalku u soo kala horreynayaan, ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Muuse la kowsaday buuq ay abuureen xisbiyada mucaaradka isla markaana innagu soo kordheen waxyaalo aan hore u dhici jirin, waxaanu yidhi,

“2017-kii doorashadii Madaxweyne Mudane. Muuse Biixi ku guulaystay ka dib waxa innagu soo kordhay waxyaalo aynaan hore caado u lahaan jirin, sida shir-beeleedyo, is-qabqabsi iyo jabhado la sameeyo.

 

Waxuu xisbiyada mucaaradka ku dhaliilay diidmadooda tallaabo hore Somaliland ugu soo caano-maashay, Madaxweynayaashii dalka hore u soo marayna loo sameeyey, waxaanu yidhi mar uu ka hadlayey, “Madaxwaynayaashii kala ahaa Cigaal, Rayaale, Siilaanyo ayaa muddo kordhin loo sameeyay, mana jirin cid ka buuqday iyo cid ka qaylisay,

 

Wasiirka Xanaanada xoolaha Mudane. Siciid Sulub ayaa sheegay in xukuumadu go’aamisay oo taageertay in muddadii farsamo ee Komishanka doorshashooyinku cayimeen lagu qabto doorashada ururada iyo madaxtooyada. “xukuumadu waxay diyaarisay dhaqaalahii doorashooyinka, waxaanu Madaxweynuhu aqbalay in muddadii labada sannadood ee loo kordhiyey uu inta badan ka tanaasulo.”

Wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaradku markii hore aqbaleen, balse markii dambe way diideen sidii ay bayaankoodi u dambeeyey ku soo saareen waxaanu yidhi,

“ninka diidan muddo kordhinta xalaasha ah macnahiisu waa nin diidan Somaliland, oo sharciga iyo dastuurka khilaafsan

Wasiir Siciid oo ka hadlayey dedaalo la doonayey in xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadu isugu yimaadaan ayuu sheegay inay dhinaca mucaaradka ka socon waayeen, waxaanu yidhi,

“Waxay marwalba ku doodaan in Madaxweynahu arki waayey mucaaradka, waxaan ku jiray ragii fududeynayey,  madaxweynahu marna wadahadal ma diidin, laakiin maanta mucaaradka xidhay markii ay dafireen in Somaliland Madaxweyne iyo xukuumad leeyahay, markaad ka soo noqotaan khaladkaa ayaa la abuuri karaa.”

Waxuu u sheegay hogaamiyayaasha mucaaradka inay khaladkoodii ka soo noqdaan, isla markaana muddo-kordhinta Madaxweynaha JSL ay sharci tahay.

Leave a Reply