WEEDHA WARGEYSKA Waxay Innala Doonayaan Dawlad la’aan

0
180

Guud   ahaan bulsho waynta reer Somaliland miyi iyo magaalo yar iyo wayn rag iyo dumar,waxay kusoo caano maaleen illaa markii aynu lasoo noqonay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland nabad gelyo,dawladnimo iyo horumar marba heer soo marayay illaa aynu maanta maraysno halkii ugu wanaagsanayd oo dalka iyo dadkuba ay joogaan qaran ku dhisan isku tashi wax wada lahaansho iyo hannaanka dawladnimo oo gaadhay dhammaan xuduudaha dalka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxay bulshada Somaliland is waydiinaysay wax aka soo socda labada Xisbi Mucaarid oo ku cel celinayay hala gaadho 13 Nofember,waxaanay ka filayeen in ay la shir iman doonaan wax dalka iyo dad ba dani ugu jirto oo qaranka Somaliland aayihiisa iyo hirgelinta himilooyinka dawladnimadeeda sii xoojinaya oo laga fili karo qof kasta oo muwaadin ah isla markaana dalkiisa iyo dadkiisaba u damqanaya oo lexejeclo kaga jirto qarankan isku tashiga aynu ku dhisnay.

In sidaa laga filana waxaa loo cuskanayay waa laba xisbi Mucaarid oo u soo tartamay in ay ku guulaystaan hoggaaminta dalka isla markaana wali u taagan haddii ay ka soo gudbaan doorashada ururada siyaasadda iyo asxaabta qaranka.

Laakiin wixii xisbi qaran oo mucaarid ah laga filayay wax ka duwan ayaa ka soo baxay oo ah qodobo lid ku ah qarannimada jiritaanka Somaliland waxaanay si cad oo aan ka gabasho lahayn ay u caddeeyeen in ay aaminsan yihiin in aan Somaliland dawladi ka jirin,taas oo ah aragti u qarsoonayd iyo mijo xaabinta Somaliland oo ay ulo booca ugu tukubayaan.

Hadalka iyo qodobada ka soo baxay labada xisbi ee muddo xisbiyood koodu ku egtay bisha soo socota waxaa markiiba ku baraarugay bulshada Somaliland oo liqi kari waayay dawadi  ma jirto,taas oo shacbiga Somaliland daaha uga fayday wax badan oo aanay hore uga ogayn fikirka labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI.

Shacbiga Somaliland oo ah dad og in qarannimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyaddoodu ku joogto halgan qadhaadh oo naf iyo maalba loosoo huray isla markaana dib u dhiskiisu uu ku qaatay wakhti badan,garawsanna cadaw fara badan oo lid ku ah qaranka Somaliland oo ka xun dawladnimada iyo nabad gelyada ka hana qaaday Somaliland ayaa markiiba dib isu waydiiyay hadalka  iyo qodobada ka soo baxay labada xisbi mucaarid.

UCID iyo WADDANI oo taageerayaal ku dhex lahaa bulshada Somaliland ayay markiiba shacbigu si dhugasho leh isu dultaageen qodobada ay soo saareen ee lidka ku ah qarannimada dalka iyo masiirka umadda taasina waxay dhalisay in hadalkoodii umadda Somaliland oo dhami in ay ka jawaabto oo ay caddeeyaan in aanay ku raacsanayn waxa ay ku dhawaaqeen ee ah dawlad la,aanta.

Labada xisbi mucaarid waxay yidhaahdeen waxaanu ogolnahay xiliiga komishanka doorashooyinku u asteeyay qabsoomida doorashad,waxaanay ku sii dareen  mana aqoonsanid dawladda Somaliland ka jirta iyo Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Waxay hadaba iswaydiintu tahay doorashada iyo komishanka ay aqoonsan yihiin ma doorasho Talyaaniga ka dhacaysaa illayn waxay yidhaahdeen ma aqoonsanin dawladda Somaliland e,doorasho aanay dawladi qabanin se adduunka ma ka qabsoonta oo dal aan dawlad lahayn xisbiyo mucaarid iyo doorashooyin ma ka jiraan.

Waxaa ummada Somaliland u caddaatay in dalka ay ka jiraan mucaarid Somaliland diid ah oo dimuquraadiyada shaadhkeeda usoo xidhay isla markaana doonaya in ay qarannimada dumiyaan una adeegsadaan shaadhka ay gashan yihiin ee xisbinimo.

Taasoo ay ku guul darraysteen markii ay ku dhawaaqeen in aan dalka dawladi ka jirin isla markaana shacabka intii taageersanayd na ay baaqayay ee ay bulshada u direen.

hore u taageersanayd ay qoomameeyeen in shaadh xisbi losoo xidho duminta qarankooga.

Waxaanay xaqiiqsadeen in ay dalka dawlada la,aan la doonayaan iyo fawdada ka jirta dalal badan oo ku fashilmay hannaanka dawladnimo iyo dhismaha qarankooga.

Ugu dambayn madaxda UCID iyo WADDANI waxay qaadeen jidkii ay kaga bixi lahaayeen saaxadda siyaasadda qaranka Somaliland kol haddii ay lid ku noqdeen qaranka ay xilka ugu sarreeya u tartamayeen,shacbiga Somaliland na fartooda ayay ku badbaadinayaan jiritaanka qarankooda oo imika wax waliba way u cadyihiin.

 

 

 

 

Leave a Reply