Wasiirka Maaliyadda oo la Dardaarmay Hawlwadeenada Dakhliga Tigidhada

0
156

Hargeysa-(Dawan);- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa kula dardaarmay inay laba jibaaraan waajibaadkii ay hayeen agaasimeyaasha Maamulka & Lacagta ee dawladda, si dakhligii loo qorsheeyey sannadkan tigidhada u soo xeroodaan.

Dr. Sacad oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu ayaa soo xidhay munaasibad loo qabtay agaasimayaasha maamulka iyo lacagta, oo ku saabsanaa dardargalinta dakhliga cashuuraha tigidhada.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Waaxyaha Cashuuraha Berriga & Xidhiidhka Dadweynaha & Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka ee hay’adaha & Wasaaradaha dawlada ayaa ujeedadiisu ahayd dardargelinta cashuurta tigidhada, oo u jideeyey Xeerka Dakhliga 72/2016, si loogu dhejiyo qoraalada ka baxaya ama soo gelaya xafiisyada dawlada.

Agaasimaha Cashuuraha Berriga oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hawlwadeeno ka tirsan Cashuuraha berrigu xafiisyadooda ku booqan doonaan agaasimeyaasha Maamulka.

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan oo ka hadlayey muhiimada kulanka ayaa sheegay in kulanku yahay mid la isku tusayo waajibaadyada xeerarka cashuurahu dhigayaan.

Waxuu sheegay in agaasimeyaasha maamulka & lacagahu yihiin fuliyeyaasha xeerarka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, xeerka cashuuraha, xeerka Qandaraasyada Qaranka, Xeerka Hantidhowrka oo loo yaqaan xeerarka PFM-ka.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in miisaaniyada 2022 qoondo loo sameeyey dakhliga tigidhada, laakiin qoondadii aan laga gaadhin hadafkeedii, inkastoo sannadkii bilo hadheen.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kula dardaarmay inay laba jibaaraan waajibaadkii ay hayeen agaasimeyaasha Maamulka & Lacagta ee dawladda, si dakhligii loo qorsheeyey sannadkan tigidhada u soo xeroodaan.

Waxuu sheegay in qaaditaanka cashuurta tigidhadu fududeyn doonto in xukuumadu gudato waajibaadka ka saran bulshada.

 

 

 

 

Leave a Reply