Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Kulan la Qaatay Guddida Dabagalka ee Golaha Wakiillada

0
175

Hargeysa (Dawan) Guddi hoosaadka illaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland.

Markii kullankaasi soo dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha guddi hoosaadka illaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland Mustafe Axmed Khayreeye ayaa sheegay in masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland ay wax ka waydiiyeen xisaab-xidhkii sannadkii la soo dhaafay ee 2021-kii, waxaanuu intaas ku daray in masuuliyiinta baanka ay waydiinyeen su’aalo la xidhiidha xisaab-xidhkaas, isagoo uga mahadceliyay sida warbixntii ay guddidaas siiyeen.

 

Mustafe Khayreeye waxa kale oo uu tilamaamay in arrimihii ay ka wada hadleen masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland ay u gudbin doonaan golaha wakiillada Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Waxa aanu la kulanay madaxdii baanka dhexe ee Somaliland oo guddoomiyihii ugu horreeyo, agaasimihii guud iyo saraakiil kale, guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ayaa u yeedhay, kulankaasina si wanaagsan ayuu noogu soo dhammaaday”

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir ayaa sheegay in guddida ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland ay siiyeen wixii warbixn ah ee la xidhiidhay xisaab-xidhkii 2021, waxaanuu intaas ku daray kulankaas oo uu ku wehelinaayay agaasimaha guud ee baanka dhexe Mukhtar Cabdi Quule ay uga jawaabeen wixii su’aalo ah ee guddidaasi ay waydiiyeen.

Cali Cabdillaahi guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland wuxuu u mahadceliyay guddi hoosaadka ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland, oo uu tilmaamay in ay leeyihiin wada shaqayn dhaw.

“Guddidu way mahadsan tahay waxa aanu ugu nimid in aanu ugu xog warano arrimaha baanka dhexe ee Somaliland, ee aanu Qaranka ugu igmanahay iyo xisaab xidhkii 2021-ka wixii anaga khuseeyay, si fiican ayaanu isu fahanay,”

Leave a Reply