Wasiir Koore oo Farriim Muhiim ah u Jeediyey Bulshada Somaliland

0
277

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Saleeban Yuusuf Cali (Koore), ayaa farriin muhiim ah u jeediyey Bulshada, waxaanu kula dardaarmay inay dhammaantood gaadh ka noqdaan nabadgelyada iyo midnimada Qaranka, kuna difaaco qof kastaa hubka uu haysto, sida aqoonta, Qalinka iyo ficillada kale ee uu adeegsan karo.

 

Wasiirka oo ka hadlayey munaasibad qalin-jebin ah oo Arday loogu qabtay Magaaalada Hargeysa, ayaa ku dheeraaday qiimaha amniga iyo dawladnimadu aadmiga u leeyihiin iyo dedaalka laga rabo inay dadka reer Somaliland ku bixiyaan inay difaacaan dalkooda.

 

“Maaha oo keliya qofku inuu qaranka qori ku difaaco, haddaad nabadgelyada ka qayb-qaadato qaranka ayaad kamid tahay, haddaad nadaafadda magaalada ka qayqaadato qaranka ayaad kamid tahay.  Haddaad wax u barato oo wax ku soo kordhiso qaranka ayaad wax u tartay, haddaad ixtiraamto kuwa u shaqaynaya Qaranka oo aad taageerto, qarankaad wax u tartay” ayuu kula dardaarmay Ardayda waxbarashada dhamaystay ee madasha loo qabtay.

Wasiirku wuxuu intaas raaciyey “qof kasta oo wax bartay waa inuu ka duwanaadaa dadka aan fursadaas helin ee suuqa joogga, qof kasta wax bartay waxa laga rabaa inuu ka duwannaado dadka aan waxba baran, haddii kale waxa uu khasaariyey waalidkii iyo Qaranka ku tabcay” ayuu ku daray wasiirka oo tilmaamay in bulshada Somaliland tahay umad isku-tolan ah oo aan kala maarmin.

Leave a Reply