Madaxdhaqmeedka Gobollada Bari oo Mucaaridka ku Eedeeyay in ay Doorasho Diid Yihiin

0
151

Haddaan Doorashada Ururada la Qaban Saddex nin oo Ilmaadeer ah kala Dooran Maynu Waxna innaga Dhexayn Maayaan.”Madaxdhaqameedka Sool

 Laascaanood(Dawan):- Madaxdhaqameedka,waxgaradka iyo haldoorka gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,ayaa si adag uga hadlay masiirka qaranka Somaliland iyo hadalkii ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI.

Waxaany si cad u sheegeen in dalka dawladda ka jirta iyo madaxweynaha qaranka ba ay aqoonsan yihiin oo aanay dalka dawlad la,aan la doonayn.

Waxaa kale oo ay wax laga xumaadu ku tilmaameen in xisbiyada mucaaridku ay yidhaahdaan dalka waxaa ka qabsoomaysa oo keliya doorashada Madaxtooyada taas oo ay bedelkeeda Madaxdhameedka Sool,Sanaag iyo Buuhoodle caddeeyeen doorashada keliya ee ay ogol yihiin ee deegaanadooda ka qabsoomi kartaa in ay tahay doorashada ururada siyaasadda iyo xisbiyada taasi marka ay qabsoonto wixii ka dambeeyana loo gudbi doono tartanka doorashada Madaxtooyada oo ay u tartami doonaan saddexda xisbi qaran ee soo baxaa.

Waxaanay meesha ka saareen in doorasho xisbiyada hadda jira oo keliyi ay galaan in ay cod ka filaan oo ay ka qabsoonto deegaanadooda.

Madaxdhaqameedka oo shalay kulan warbaahineed ku qabtay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool waxaa kale oo ay jawaab u direen beel dhawaan shirku qabsatay magaalada Burco oo go’aamo soo saartay.

Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka shirka jaraa’id ku qabtay Laascaanood oo ahaa Madaxdhaqameedkii ugu badnaa ee ka hadla arrimaha doorashooyinka isla markaana meel adag iska taagay doorasho kasta oo aana ahayn doorashada ururada iyo asxaabta oo dalka ka qabsoonta ayaa dhinaca kale iftiimiyay sida loogu baahan yahay in la dhawro sharciyadda dalka iyo hannaanka dawladnimada oo laga fogaado hadalada mucaaridku ku hadlayo ee bulshada lagu kala qaybinayo waxaanay ugu baaqeen shacbiga Somaliland in ay nabad gelyada wada ilaashadaan oo ay ka fogaadaan hadalada nacaybka abuuraya eek a soo yeedhaya mucaaridka.

 

Madaxdahameedka oo ay ka mid ahaayeen Caqail Salaad Xusen Bidhe

Caaqil Cabdi Xasan Nuur,

Caaqil Kayse Maxamuud Indhotaag iyo ayaa hadalka ku kala horreeyay waxaanu ku bilaabay Caaqilkii hadalka furay,sidan..“Waxaanu halkan isugu nimi annaga oo ah beelweynta Harti bari waxgaradkeedii iyo madaxdhaqameedkeedii Harti bari waxaanu ka turjumaynaa oo aanu afkoodii ku hadlaynaa gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,waxaan halkan farriin u marinaynaa beesha dhexe iyo xisbiyada wakhtigoodu dhammaaday ee doonaya in ay xoog iyo jujuub wax ku wadaan,waxaan u diraynaa digniintii ugu dambaysay,waxaanan leenahay Ninkii doorashada ururada ka qayb geliya waaya ee qabiil iyo reer hebel wax ku doonayana waxaan leenahay waxba ku heli maysid.

Maalmahan waxaa madaxayaga ku soo noqnoqonaysay 13 ka Nofember 13 kiina la gaadh,nin na Madaxweyne qasab ku noqon mayo Somaliland na beesha dhexe malaha.

Somaliland hadday magac leedahay hadday mansab leedahay iyo hadday xurmo leedahay dadkii usoo halgamay waa kuwan oo waa Daraawiish.

Ninka doorashada ururada ka qayb gala ee xisbinimo usoo baxaya ayaa Madaxweyne u tartami doona nin kale oo si kale wax u doonaya oo cod naga helaya ma jiro.”

 

 

Mid ka mid ah xubnaha Madaxdhaqameedka ah ee goobta ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ka sax san yahay mucaaridka isla markaana uu ogolyahay Somaliland la wada leeyahay,waxaanu yidhi.“Muuse Madaxweynaha Somaliland,ayaa idinka Saxan wuxuu yidhi Somaliland waa la wada leeyahay garxajisna ma laha reer gaar ahina ma laha qaranka waa la wada leeyahay,Waxaanu leenahay beesha dhexe haddii la doonayo Somaliland la wada leeyahay oo aan kala qoqobnayn oo la wada leeyahay doorashada ururada ayaa laga wada qayb gelayaa.

Marka hore waxaanu xisbiyada Mucaaridka usoo jeedinaynaa in ay  u hoggaansamaan dawadda iyo qawaaniinta dalka u yaalla waxaanan la socod siinaynaa xisbiyada Mucaaridka in aanay wax cod ah naga helayn inta ay sidaas wax u wadaan.”

 

Xubin kale oo hadalka u baxay ayaa yidhi.“Madaxdhaqameedka iyo waxgaradkayaga halkan iusgu yimi ee doonaya in ay ka tashadaaan aayagooga masiiriga ah,marka hore waxaan la qabaa odayaasha hadalka igaga horreeyay siday u hadleen mar labaadka Maalin dhawayd waxaan arkayay beesha Garxajis oo shir qabsatay oo go’aamo ka soo saartay oo intay xisbiyadii ka guureen oo qabiil u guuray waxay yidhaahdeen haddaan la heshiin deegaanada aanu degno doorsaho ka dhici mayso,waxaan taaa kaga jawaabaynaa oo aanu leenahay, haddaan la heshiin oo aan la helin Somaliland la wada leeyahay ma dooranayno saddex nin oo isku reer ah oo marba nin la doorto,Sool,Sanaag iyo Buuhoodle doorasho ka dhici mayso haddaan talada dhulka la dhigin oon doorashada ururada la ogolaan deegaanadayada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle doorasho ka dhici mayso sadex nin oo isku reer ah haddaan hore u dooran jirnayna u dooran mayno.”

 

Shirka jaraa’id ee Madaxdhaqameedka Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,ayuu madaxdhaqameedkii soo xidhay kusoo gunaanaday farriin uu u diray sadexda xisbi qaran iyo guud ahaan Somaliland kagana jawaabah hadalkii mucaaridka ee ahaa dawladda ma aoonsanin,waxaanu yidhi.“Waxaan maqlaynay xisbiyada mucaaridka ah oo leh dawladda ma aqoonsanid haddaan dawladda iyo Madaxweynaha la aqoonsanayn markaa halkee loo socdaa,waxaanu leenahay haddaanu nahay gobolada Sool,sanaag iyo Buuhoodle waanu aqoonsannahay Madaxweynaha iyo dawladda Somaliland,haddii dawladda la rido dawlad la,aan iyo buuq ayaa dhacaya waxaanu leenahay dawladi way jirtaa waanay jiraysaa Madaxweynahana waxaa bedeli kara oo keliya Madaxweyne la doortay,dalkuna gab cidla ah kusoo dhici mayo buuqana hala joojiyo.”

Waxaa nagu kalifay maanta in aanu hadalno waxay hadalo nagaga soo duul duulayaan dhanka galbeedka,waxaa lagu heshiiyay in Somaliland la wada yeesho oo urada la furo waana la furay haddii doorashada ururada la qaban waayo oo Somaliland la wada leeyahay loo tartami waayo annagana nalagu talo gali mayo doorashana gali mayno deegaanadayada ka dhici mayso.

Ku talo gala maanta haddii ururada la diido annaguna saddexda xisbi diidnay waxa wax innagaga dhaayn karaaan doorashada ururada oo la qabto oonu waliba Madaxweynaha aanu qaadano,wax aan taas ahayn yaan naloogu so talo galin dhammantayana waan ku wada soconaa haddaan madaxdhameed nahay iyo haddaan siyaasyiyiin nahay iyo haddaanu nahay bulshada gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle degta.”

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply