Mishiinka daabacada Qoraalka dadka araga naafada ka ah oo Somaliland soo Gaadhay

0
351

Hargeysa (Dawan) Mishiinka daabacada qoraalka dadka araga naafada ka ah, ayaa markii u horraysay taariikhda soo gaadhay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland,  kaas oo lagu daabici doono   Manhajka Qaranka, iyada oo lagu qorayo isla markaana la waafajinayo  habka qoraalka iyo akhriska ee ay wax ku baran karaan ardayda aragga naafada ka ah ee ku nool gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa si rasmiya ugu wareejiyay mushiinkan iyo qalabkiisaba masuuliyiinta    xafiiska manaahijta qaranka iyo waaxda hantida ee wasaaradda waxbarashada.

Toorno waxa uu sheegay in su’aasha ugu badan ee ardayda kala duwan ee baahiyaha gaarka ah qaba ay waydiin jireen ay ahayd goorma la helaya mushiinka daabacada waxbarashada dadka araga la’ waxaanu ugu bushaareeyay in maanta su’aashaasi ay soo dhammaatay isla markaana la keenay dalka qalabkii wax loogu daabacilahaa dadka ILLAAHEY aragoodii ka qaaday, isla markaana silamida kuwa indha qaba hadda wixii  ka danbeeya ay wax u baranayaan.

Waxaanu yidhi.“Iskuulkasta oo qaba baahiyaha la xidhiidha dhinaca araga, haday noqoto dugsiyada Borama, Burco, Hargeysa, meelkasta oo aanu tagnana waxa ayna weydiinayeen ardaydu waxa uu ahaa sidii mishiinka daabacaada far qoraalka dadka baahiyaha araga ah loogu helilahaa.

Hay’adda UNICEF waxa aynu uga mahadcelinayna in ay xoogga saarto meelaha mudnaanta u ah, Somaliland, ardayda loo daabacayo manhajka waxbarasahada iyada oo farta dadka araga naafada ah ka ah loogu daabaco wuu inoo soo koobmi doonaa.

Bulshada reer Somaliland oo dhan waxa aan leeyahay il gaar ah aynu u yeelano dadkeena baahiyaha gaarka ah qaba, xaqna way u leeyihiin in ay helaan baahiyaha aasaaska nolosha u ah, wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa masuul ka ah inay waxbarto”

Gaba’gabadii waxa uu bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan ka codsaday in hoos loo eego sidii wax looga qabanlahaa baahiyaha dadka araga naafada ka ah.

Leave a Reply