Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta oo Tababar u soo Xidhay Xubno ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda

0
138

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa tababar u soo xidhay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddasi.

Tabobarkan oo ku saabsanaa maamulka xafiisyada, ilaalinta xogaha iyo hab qoraalka tolmoon oo socday lix maal-mood waxa hadal ka jeediyay agaasimaha waaxda cududa shaqaalaha ee wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland Muuse Giir ayaa tilmaamay in tobarkani ahaa mid shaqaalaha wasaaradaasi ay u baahnaayeen.

Sheekh Amed Dhimbiil iyo Sheekh Maxamed Xasan oo ka mida masuuliyiinta wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland ayaa u mahadceliyay macalimiintii tobarkaas bixinaayay tobarkaas, waxaanay shaqaalihii tabobarkaas qaatay u soo jeediyay in casharadii ay barteen ay kaga hawl-galaan shaqada ay wasaaradda ka hayaan.

 

Maxamed Badal oo ka mid ahaa macalimiintii tabobarkaas bixinaayay ayaa bogaadiyay sidii hawl-wadeenada ka tirsan wasaaraddaas u qaateen casharadii la xidhiidhay maamulka xafiisyada, ilaalinta xogaha iyo hab qoraalka tolmoon.

 

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa tilmaamay tabobarkaasi ka mid yahay dadaalada masuuliyiinta wasaaradaasi ugu jiraan si loo horumariyo shaqada wasaaraddaasi qaranka u hayso.

Leave a Reply