Duqa Caasimada Hargeysa oo Guri ku Wareejiyay Muwaadin Maxamed Xaashi Qawdhan

0
171

Hargeysa (Dawan) Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa si rasmi ah guri ugu wareejiyay mawaadin Maxamed Xaashi Qawdhan, dawlada hoose ee caasimada Hargeysa hore ugu abaal marisay ka shaqaynta danta guud.

 

Munaasibada loo qabtay wareejinta gurigaas oo uu hore u ballan qaaday duqa Caasimada Hargeysa ayaa waxa hadalo ka jeediyay masuul ku hadlaayay magaca shirkadii dhismahaas hirgelisay, kaas oo sheegay in muwaadinkaas ay u dhiseen guri tayo leh.

 

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay fulinta ballantii uu u qaaday muwaadin Maxamed Xaashi Qawdhan ee ahayd in loo dhiso guri uu iskuu u leehayay.

Waxaanu yidhi “48 sano ayuu muwaadin Maxamed Xaashi Qawdhan wadadeeda yab yabayay, dhagaxa dhigayay, ka qaadayay, dhisayay isla markaana aanu maalin ka daalin, Hargeysa wax intan ka badan ayuu xaq ugu leeyahay, in reer Hargeysa guriyar oo uu ku noolaado isaga oo boqol iyo jarjar jira, ay u dhisaan maanta Hargeysa waa u wanaag iyo faan.

Madaxduna sideedaba waxa ay madax ku tahay inay iyadu dhisato maahe waa inay bulshada u dhisto weeyi, in ILLAAHEY na garansiiyay golahayaaga degaanka in aanu bulshada horraysiino, oo dadka wax u yabyabno, oo wadooda u dhisno, oo iskuulkooda u hagaajino, oo kooda ugu mudan baahida haysa inta aanu ka qaadi karno aanu ka qaadno.

Maanta Hargeysa waxa u faah ah oo u wanaag ah, oo u sharaf ah 48-ka sano ee Maxamed Xaashi Qawdhan wadada dhisayay in maanta cashuurtii yarayd ee reer Hargeysa anagu aanan qaadan oo guryo ka dhisan ee iyaga dib ugu soo noqoto oo mid ah oo abaal ku leh mudnaa oo waxan wax ka weyn mudan ay maanta guriga yar loogu dhisay, ALLE waxaan ka baryayaa in uu gurigaa yar u barakeeyo, guri khayr qabaa in ILLAAHEY uga yeelo.

Muwaadin Maxamed Xaashi Qawdhan 48 ka sannadood ee uu jidadka Hargeysa dayactirayay ee aanu maalin kaliya ka daalin, ee isaga oo maanta aynigaas ah uu wali waddo waa wax ALLE loogu mahadiyo, ILLAAHEYna waxa aan uga baryayaa in uu ajar iyo xasanaad uga dhigo, oo ALLE janooyinkiisa ku geeyo acmaasha ALLE waafajiyay, Maxamed Xaashi Qawdhan waxa aan ku wareejinayaa furayaashi guriga, guriga waan arkay waa guri fiican, isla markaana si wanaagsan loo dhisay shirkadii hirgelisay iyo Injineerkaba waynu u ducaynaynaa xil weyn ayuu isa saaray, magaalada iyo halkani aad ayay u kala durugsan tahay in uu tabcay oo uu ka warhayay guriga quruxda badan ee aayaha leh, aad iyo aad ayaan shirkada iyo Injineerkaba ugu ducaynayaa awoow waxaan kugu wareejinayaa furayaashi guriga ILLAAHEY haku barakeeyo, guri khayr qaba ALLE haka yeelo, guri lagu liibaano ALLE haka yeelo,”

muwaadin Maxamed Xaashi oo dhismaha gurigaas ka mahad naqay ugana mahad celiyay duqa caasimada guriga uu ku maamuusay ee uu u dhisay isag oo si isxilqaan ah jidadka caasimada Hargeysa iyo degaanada hoosa yimaada muddo 50 sano ku dhaw uga shaqaynayay.

Waxaanu yidhi. “Aad iyo aad ayaan idiinka mahadcelinayaa aqalkiina si sharafleh ayuu ku dhammaaday si sharaf leh ayaad noo soo booqateen, si sharaf leh ayaad nooga noqonaysaan haddii ALLE yidhaahdo, ducada waad iga iibsateen ILLAAHEY janooyinkiisa haydin geeyo”

 

 

 

 

 

Leave a Reply