Dawladda hoose ee Hargeysa oo Dhammeystirtay Jidka isku xidha Goolada Huteel Guuleed iyo Saldhiga Ibraahim Koodbuur

0
250

Hargeysa (Dawan) Dawlada hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa ku guulaystay dhammeystirka jidka cusub ee isku   Isgoyska Guuleed Hotel ilaa Saldhiga Ibraahim Koodbuur, kaas oo muddooyinkii u danbeeyay burbur xoogani ka muuqday.

Jidkan ay dawladda hoose dhismihiisa farta ka qaaday ayaa dhererkiisu dhan yahay   1KM, waxaanu wax weyn ka tari doona isku socodka gaadiidka iyo dadka ku safra jidkani.

Geesta kale wadadan ayaa yarayn doonta cidhiidhigii iyo saxmadii gadiidka ee lagu qabay jidka halbowlaha ah ee taga xaafada Jig-jiga yar.

Dawladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa dadaal xoogan ugu jirta hagaajinta iyo dhismaha jidadka dhexmara caasimada, iyaga oo hore dib u habayn iyo dayactir iyo waliba dhisme ugu sameeyay qaar ka mida jidadka muhiimka ah.

Masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada Hargeysa, ayaa sheegay in muddo yar ay ku dhisi doonaan jidad badan, kuwaaso ay tilmaameen qorshehagaha magaalada,   wax badan ka badali doonaan, isla markaana horumarka iyo baaxadda magaalada, bilicdana qayb ka qaadan doonaan.

Qaarka mida dadka jidkani marinka u yahay ayaa soo dhaweeyay, iyaga oo sheegay in ay siwada jir ah oo isku duubnaani ay ku dheehan tahay ay ula shaqayn doonaan masuuliyiinta iyo madaxda dawladda hoose ee Hargeysa, ee u xadhka xidhay bilic soo celinta caasimada.

 

Leave a Reply