Wasiirka Warfaafinta oo Tacsi u Diray Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxay Garaad Saleebaan

0
206
Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ahna afhayeenka xukuumadda JSL ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Garaad Saleeban Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta waxa uu sheegay in Garaadku uu magac iyo maamuus ku lahaa bahda dhaqanka jamhuriyadda Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ahna afhayeenka xukuumadu wuxuu marxuumka Eebe uga baryayaa in uu Janatul-fardowsa ka waraabiyo ehelkii, asxaabtii iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Leave a Reply