Ciidanka Booliska Qaybta Illaalinta Cashuuraha oo Qabtay Sharaab iyo Boco Kootarabaan ah

0
170

Wajaale(Dawan):- Ciidanka booliska Somaliland qaybta illaalinya cashuuraha laantiisa Wajaale ayaa gacanka ku dhigay gaadhi siday badeecad kooratabaan sharci darro ah oo dalka la soo gelinayay.

Kootabaanka ciidanku qabtay ayaa isugu jiray Bacaha dalka laga mamnuucay iyo sharaab sharci darro dalka lagu soo gelinayay oo cashuurta laga baxsanayay.

Guud ahaan ciidanka booliska ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaaday tallaabooyin lagu sugayo cashuuraha dalka isla markaana gacanta ku soo dhigay badeecado kala duwan oo kootarabaan ah iyo gaadiidkii lagu siday.

War kooban oo qoraal ah oo lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Ciidabka booliska Somaliland ku leeyay Facebook,aayaa lagaga hadlay gaadhiga laabta ilaalinta cashuuraha ee Wajaale ay gacanka ku soo dhigtay waxaanu u dhignaa sidan.

“Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland  qaybta illaalinta cashuuraha Laanta Wajaale ayaa  gacanta ku soo dhigay Baabuur Siday sharaab iyo bacmiikooyin kootarabaan ah.

Sharaabkan ayaa ka koobnaa 100 kees iyo Todoba kartoon oo baco.”

 

Dhican kale ciidanka booliska Somaliland waxay digniin adag u direen cid kasta oo isku dayda in ay dalka cashuurta kala baxsato oo ay soo geliso alaab kootarabaan ah.

Waxaanay ganacsatada arrimahaa ku hawlan uga digeen in ay sharciga baal maraan,iyagoo ballan qaaday in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

 

 

Leave a Reply