Guddoomiyaha Degmada Dacarta oo kormeer ku sameeyey Deegaamada hoos-yimaada

0
182

Dacarta(Dawan)-Guddoomiyaha Degmada Dacarta ee Gobolka Maroodi-jeex, Mudane. Mustafe Siyaad Cismaan oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka kamida maamulka degmada, ayaa kormeer ay ugu kuur-gelayaan xaalada bulshada ku dhaqan degmadaasi ku maray deegaamo kala duwan oo hoos-yimaada.

Guddoomiyaha oo xilka la wareegay bishii October dhexdeeda, ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay socdaal hawleed oo Xaqiiqo raadin iyo dar-dar gelin ah ku maray deegaamada hoos-yimaada Degmadaasi, waxaanu kulamo la yeeshay, maamulka Tuulooyinka, waxgaradka iyo qaybaha kale bulshada, isagoo ka waraystay baahiyaha ka jira deegaamada, mashaariicda laga fuliyey iyo bulsho ahaan waxyaabaha ay qabsadeen.

Deegaamada ay guddoomiyaha weftigiisu mareen oo u badan Beeralay-xoolo dhaqato, ayaa waxay indho-indheeyeen wax-soo-saarka dhanka beeraha ee ka socda, xaalada caafimaad iyo daryeel ee xoolaha iyo sidoo kale illaha Kaydka Biyaha.

Bulshada ayaa si diirran u soo dhaweeyey Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta wehelinayey, waxaana deegaan waliba uga waramay waxyaabaha ka dhiman ee ay u baahan yihiin in dawladdu u qabato, iyagoo balanqaaday inay mug iyo miisaan leh ugala shaqayn doonaan horumarinta degmada.

Guddoomiye Mustafe iyo masuuliyiinta kale waxa ay dadweynaha deegaamadaasi kula dardaarmeen inay xoojiyaan tacabka wax soo-saarka, isla markaana ay ka qaybqaataan adkaynta nabad-gelyada, la-dagaalanka dhuxulaysiga iyo dhibaatooyinka kale ee deegaanka nabaad-guurinaya.

Dhankooda guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee maamulku waxay balanqaadeen wax ka qabashada baahiyaha adeegyada muhiimka ah ee ka maqan deegaamadaasi ay ku darayaan qorshaha, isla markaana degmo ahaan wixii ay ka qaban karaan ay si dhakhso ah u fulin doonaan.

Deegaamada guddoomiyuhu maray ayaa munaasibado soo dhaweyn ah loogu sameeyey, waxaanay dadku u muujiyeen taageero iyo inay ku faraxsan yihiin isbedelka maamul ee degmada, maadaama ay tabasho gaabis ah ka qabeen maamulkii hore ee la bedelay.

Tuulooyinka dhaca xuduudka Itoobiya ee Degmada hoos-yimaada ayaa kamida meelaha uu kormeerka ku tegay Guddoomiyuhu, waxaanu dadka halkaasi ku dhaqan kala hadlay inay maamul ahaan iyo hay’addaha nabad-gelyada ee degmada kala shaqeeyaan la-dagaalanka ganacsiga Kootarabaanka lagu soo gelinayo dalka iyo baddeecadaha maandooriyaha ah ee dalkaasi laga keeno, kaasoo uu sheegay in loo baahan yahay lagula tacaalo xuduudaha uu ka soo gelayo

Leave a Reply