Ciidanka Qaranka oo Hawlgal ku Xalliyey Dhibaatooyin Saameeyey Bulshada Deegaanka Balli-cad ee Gobolka Buuhoodle

0
166

Waxgaradka, Odayaasha iyo Hay’adaha ammaanka oo mamnuucay qoditaanka berkado fasax la’aan ah

 

 

 

Balli-cad-(Dawan):- Ciidanka Qaranka, ee jiidda gobolka Buuhoodle ayaa hawlgalo lagu banneynayey dhul-daaqsimeedka xoolaha oo si  sharci darro ah  loo xidhay ka sameeyey deegaanka Balli-cad ee degmada Widhwidh.

Hawlgalada oo wadajir ay u fuliyeen Guutada 135aad ee Ciidanka Qaranka, odayaasha, waxgaradka, bulshada iyo maamulka degmada Widhwidh ayey ku baabi’iyeen berkado sharci darro looga qoday, dhul daaqsimeed la xidhay iyo caqabado kale oo bulshada haystay.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo sarkaal ciidanka Qaranka ah oo warbaahinta la hadlay ayaa bulshada u bayaamiyey in hawlgalku ku yimi go’aan maamulka, waxgaradka, odeyaasha iyo hay’adaha ammaanku wada gaadheen,  isla markaana kula dardaarmay illaalinta dhul daaqsimeedka xoolaha.

Qodaalo dhowr iyo toban ah oo meelo aan munaasib ahayn laga qoday waa la joojiyey, ka dib markii guddida deegaanka, odayaasha waxgaradka, hay’addaha ammaanku shir ka yeesheen, waxay go’aan ku gaadheen in la joojiyo xaabada, dhuxulaysiga dhirta qoyan, berkadaha sharci darrada loo qoday iyo xidhmooyinka dhul daaqsimeedka in la baabi’iyo.

Sidoo kale, go’aamada odayaasha iyo maamulka ayaa lagu mamnuucay qoditaanka berkado cusub oo aan fasax ogolaasho looga haysan odayaasha iyo xafiisyada maamulka deegaanka Balli-cad   ayuu sheegay odayaasha deegaanka midkood.

Sidoo kale, sarkaal Ciidanka Qaranka oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in berkado sharci darro ah oo bulshada deegaanka amni darro ku hayey, isla markaana xanibay dhulkii xoolaha iyo ugaadhu daaqi jireen ay baabi’iyeen.

Waxaanu Bulshada uuga digay in qofkii lagu qabto goynta dhirta iyo qoditaanka berkad sharcidaro ah talaabo sharci laga qaadi doono.

Leave a Reply