Senegal oo ugu Horeysay Badinta Wadamada Afrika ee Koobka Adduunka iyo Marigeliyeyaashii oo ugu Hor Hadhay

0
266

Senegal ayaa noqotay dalkii koowaad ee Afrikaan ah ee guul kasoo hooya Koobka Adduunka, waxaanay 3-1 ku garaaceen dalka martigelinaya tartanka ee Qatara oo si rasmi ah uga hadhay Koobka Adduunka ee waddankooda lagu qabtay.

Xulka qaranka Senegal ayaa saddex hgool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay saddex ciyaartoy oo kala duwan qaybsadeen ku garaacay Qatar, waxaanay heleen saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey ee ay ka keenaan Koobka Adduunka.

Senegala ayaa kasoo kabatay guul-darradii ay ku bilowdeen Koobka Adduunka ee ciyaartii hore ay Holland kaga adkaatay 2-0, waxaanay cadhada kula dhaceen Qatar oo ay ugu awood sheegteen dalkooda.

Xiddiga Soomaaliga ah ee Afif ee u ciyaara xulka qaranka Qatar ayaa laadkii ugu horreeyey ee ciyaarta sameeyey, waxaana uu xulka martigeliyeyaasha u bilaabay ciyaarta, hase yeeshee Senegal ayaa soo bandhigtay ciyaar tayadeedu sarrayso iyada oo aad uga fiicnayd Qatar dhinc walba oo ciyaarta ah.

Daqiiqaddii 41aad ayuu Boulaye Dia furay gool-dhalinta ciyaarta, waxaana kubbad uu si qaldan u lumiyey Khoukhi uu lugta ku dhigay, kaddibna weydaariyey goolhaye Barsham, waxaanu goolkaasi ahaa midka kaliya ee qaybta hore ay labada xul kala dhaliyeen.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay saddex daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Senegal heshay goolka labaad oo uu u saxeexay Famara Diedhiou oo kubbad uu ka helay masaafo lix tallaabo u jirta goolka uu weydaariyey Barsham.

Jakobs ayaa ahaa libaaxa kasoo shaqeeyey goolkan ee hadiyadda u siiyey Famara Diedhiou in uu isku qoro diiwaanka gool-dhalinta  Koobka Adduunka.

Xulka qaranka martigelinaya Koobka Adduunka ee Qatar ayaa uu gool u dhaliyey Mohammed Muntari dhamaadka ciyaarta oo ay 12 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, hase yeeshee goolkaasi masii waarin, waxaana ka daba yimid oo gool saddexaad u dhaliyey xulka Senegal laacibkooda Dieng oo marar badan uu nasiibku diiday.

Senegal ayaa sidaa ku noqotay dalkii koowaad ee Afrikaan ah ee guul ka keena Koobka Adduunka, iyadoo dhamaan shanta waddan ee Afrika ku matalaya Koobka Adduunka aanu midkoodna badin wareeggii koowaad ee group-yada

Leave a Reply