Kooxda Manchester United iyo Cristiano Ronaldo oo Maxkamad Isla Galaya

0
154

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa war-saxaafadeed cusub kasoo saartay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo kaddib markii uu Arbacadii iyo Khamiistii si buuxda loo baahiyey waraysi xaasaasi ahaa oo uu siiyey Piers Morgan, kas oo uu kusoo bandhigay arrimo badan oo lid ku ah naadigiisa.

Manchester United ayaa sheegtay inay Ronaldo ka qaadi doonto tallaabada ugu habboon, iyada oo ka duulaysa waraysiga oo ay kooxdu ku sheegtaya mid lid ku ah naadiga iyo heshiiska uu kooxda kula jirayba.

War-saxaafadeedka ayay Manchester United ku tidhi: “Manchester United waxay saaka bilowday inay ka arrinsato tallaabooyinka jawaabta ah ee ay ka qaadayso Cristiano Ronaldo kaddib waraysigii uu bixiyey. Faahfaahin dheeraad ah ma bixinayno, illaa inta aanu arrinta soo gabogabaynayno.”

Horraantii toddobaadkan ayay Manchester United sheegtay in jawaabta ay bixinayso aya la sugayso inta uu soo baxayo waraysiga oo dhamaystiran oo Axaddii uu Piers Morgan si hordhac ah usii tabiyey qaybo ka mid ah, iyadoo lacibkani uu kooxda ku tilmaamay mid kala daadsan oo ay hagayaan tababare iyo masuuliyiin aan ixtiraam iyo karti lahayn.

Waxa uu sidoo kale saluug ka muujiyey hannaanka tababarka kooxda oo uu ku sheegay mid qaddiimi ah oo aan la jaan-qadi karayn waqtigan, halka ciyaartoyda naadiga uu qaarkood ku sifeeyey in aanay ahayn kuwo heer-caalami ah oo uu liiday kartidooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la sugi doona go’aanka ay Manchester United ka gaadhi doonto Cristiano Ronaldo, waxaana loo badinyaa in la kansali doono heshiiskiisa.

Leave a Reply