Chelsea oo Heshiis Dheer La Saxeexday Mid ka Mid ah Xiddigaheeda ugu Mustaqbalka Wanaagsan

0
235

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xaqiijisay, in uu heshiis waqti dheer ah saxeexay difaaceeda da’da yar ee Trevoh Chalobah oo qalinka ku duugay qandaraas kusii dayn doona Stamford Bridge illaa inta ay da’diisu ka noqonayso 29 jir.

Chalobah oo 23 jir ah ayaa ogolaaday qandaraas cusub oo lix sannadood ah oo ay Chelsea u bandhigtay, kaas oo si weyn sare ugu qaadaya mushaharkiisa, kana xakamaynaya inuu ka baxo Stamford Bridge.

Trevoh Chalobah oo 43 ciyaarood oo kooxda koowaad ah u saftay Chelsea oo uu da’ayarteeda kasoo baxay ayaa ku dhibaatoonayay kursiga kaydka intii ka horreysay bishii October, laakiin tababare Graham Potter ayaa fursad fiican siiyey oo si joogto ah uga dheelsiiyey difaaca dhexe.

Isbeddelka dhinaca tababaraha ee ku yimid Chelsea ayaa keenay inuu Chalobah ogolaado inuu kordhiyo qandaraaskiisa oo uu waliba lix sannadood oo wada socda saxeexo, waxaana markii uu heshiiska saxeexay uu u sheegay website-ka kooxdiisa: “Farxad darteed ayaan dayaxa dusheeda joogaa, waanan ku faraxsanahay waqti walba oo aan xidho shaadhka kooxdan.

“Waxa aan doonayaa in aan kooxdan u sameeyo wax walba oo karaankayga ah. Qof walba wuu ogyahay in aan halkan kasoo shaqaynayay tan iyo yaraantaydii, waxaanan doonayaa in aan sii wado riyadaydii carruurnimada.”

 

Leave a Reply