Iran oo Daqiiqadihii Dheeraadka ahaa ee lagu Daray Ciyaarta Garaacday Xulka Wales

0
236

Xulka qaranka Iran ayaa guushii koowaad kasoo hooyey Koobka Adduunka, waxaanay labadii daqiiqadood ee ugu dambeeyey waqtiga dheeraadka ah ku khaarajiyeen Wales oo ay laba gool oo daran-doorri ah ka dhaliyeen.

Iran ayaa muujisay geesinimo iyo adkaysi ay guusha ku raadinaysay illaa daqiiqaddii ugu dambaysay iyadoo nasiibkooduna si weyn u shaqeeyey xilli dambe.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran oo ciyaartoodii hore guul-darro 6-2 ah kala soo kulmay England, ayaa waxay ciilka kula dhaceen Wales oo ay ku garaaceen 2-0, iydoo waliba goolashooduna yimaaddeen xilli ay cid walba ka quusatay in ay goolal dhalin karayso.

Sagaal daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayay Iran ku heshay guushoodii koowaad oo ka caawin doonta inay sii dagaallamaan illaa kulanka ugu dambeeya.

Daqiiqaddii 108aad ayuu Roozbeh Cheshmi goolka koowaad ee Iran dhaliyey, kaddib markii uu bannaanka kaga toogtay darbad xooggan oo kasii dhax baxday laba difaacyahan oo Wales ah, isla markaana dhinaca midig ka gashay goolka.

Kubbaddan ayaa waxa marka hore iska soo saaray difaacyahannada Wales oo bannaanka xerada ganaaxa ku siiyey Roozbeh Cheshmi oo isaguna darbad xooggan ku celiyey.

Iyaga oo Wales niyad-jabay oo dhaxda haysta maadaama waqtiga goolku dhashay ay ciyaartu dhamaad ahayd ayaa uu garsooruhu dib u bilaabay kubadda, waxaana markii ay isku dhiibeen Gareth Bales iyo xiddigaha xulkiisu ay isku dayeen inay weerar degdeg ah ku qaadaan Iran, hase yeeshee kubbad ayaa waxa kasoo boobay Taremi oo usii dhiibay Ramin Rezaeian oo isaguna ula tegay goolhayaha Wales, kana dul-qaaday kubadda.

Xulka qaranka Iran ay gool dhaliyey daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa meesha ka saartay goolkaas.

Wales ayaa ciyaarta ku dhamaysatay toban ciyaartoy, waxaana daqiiqaddii 86aad laga saaray goolhayahooda Wayne Hennessey oo qalad badheedh ah ku galay weeraryahanka reer Iran ee  Taremi oo uu laaday xilli uu kubbadda ula dhaafayey dhinaca goolkiisa.

Leave a Reply