Wasaaradda Maaliyadda ee Gabiley oo Hanatay Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta

0
259

Waxa lasoo gunaanaday tartanka xidhiidhka kubadda cagta Gabiley oo mudooyinkii u dambeeyay ka socday magaaladaas.

Masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa ka qayb galay xidhitaanka tartanka oo ay soo ciyaareen kooxo gaadhaya 42 naadi, halka gunaanadka koobkani ay kala qaadeen kooxaha wasaaradda maalgeshiga iyo wasaaradda maaliyadda.

Koobkan tartanka xidhiidhka kubadda cagta ee Gabiley ee ay isugu yimaadeen kooxaha wasaaradda maalgeshiga iyo wasaaradda maaliyadda ayaa waxa ku guuleysatay kooxda wasaaradda maaliyadda ee Gabiley, isla markaana qaaday koobka.

Tartankan oo ka mid ahaa tartamada xidhiidhka kubadda cagta ee guud ahaan laga qabtay gobollada dalka oodhan ayaa qaarkoodna lasoo gunaanaday, qaar ay ka socdaan gobollada qaar.

Leave a Reply