Somaliland: Haween Adeeg la’aan Caafimaad U Ummul arooray (Geeriyooday)

0
221

Qormadeena  caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku qaadan doona, haween adeeg la’aan caafimaad ugu umul arrooray (Geeriyooday), degaanka Misile, oo dhinaca galbeed ka xiga degmada Boon oo ka tirsan gobolka Salel.

Barnaamijka caafimaadka ee Wargeyska Dawan, oo booqday degaanka Misile ayaa ku soo arkay adeeg la’aan caafimaad oo ay wajahayaan bulshada ku nool degaankaasi.

Cali Aadan Nageeye waa aabo da’da 70 taanka madaxa la galay, qoyskiisu waxa uu ka kooban yahay 9 qof, waxa uu degan yahay degaanka Misile oo 20 km dhanka galbeed ka xiga magaalada Boon, waxa isaga iyo qoyskiisu uu degaanka kuwajaha duruufo nololeed oo adag, kadib markii Marwadiisii u geeriyootay dhiigbax iyada oo umul ah.

Cabdiraxmaan Cumar Daahir waa aabo 50 sanop jir ah, qoyskiisu waxa uu ka kooban yahay laba qof, hadda wuu ka guuray degaanka Misile 20 km dhinaca galbeed ka xiga degmada Boon, imika waxa uu nafta ula soo cararay magaalada Boon, kadib markii marwadiisii Mako Bahdoon Xareed ay adeeg la’aan caafimaad u umul arroortay.

Waxa uu xusay Aabo Cabdiraxmaan in aanay suurogal ahayn in uu dib ugu laabto degaankiisa sababo la xidhiidha adeegyada caafimaadka oo uu guud ahaanba ka aradan yahya.

Adeeg la’aanta caafimaad ee ka jirta degaanka Misile waxa ay bulshada ku qasabtay in rag lacag la siiyay ay haweenka tuka ku qaadaan, halka kuwa aan awooda dhaqaale ee ay siinayaan raggaasna ay ku qaadan Awr ama dameer.

Qofkii awood dhaqaale haysta waxa uu magaalada ugu dhaw kaga soo kiraysta lacag ku dhawan afar boqol oo dollar.

Bulshada degaanka Misile oo isku dayay in si iskood ah ay u dhistaan xarun hooyada iyo dhallaanka ah waxa awoodu dhigtay kaliya in ciidii iyo dhagaxii ay meesha keeneen ay wali yaalaan, waxa ay xukuumadda Somaliland, qurbajoogta degaanka iyo hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka ka codsadeen in wax looga qabto xaalada adeeg la’aanta caafimaad ee degaankooda haysata.

 

Leave a Reply