Ka qayb Qaado Gurmadka lagu Samata-bixinayo Gabadh reer Somaliland ah oo Liibiya Madax-furasho loogu Haysto

0
185

Hargeysa (Dawan) Barwaaqo Cali Cumar, waa mid ka mida muwaadiniinta reer Somaliland, waa agoon, waa rajo, bayhoofka iyo balanbalka adduunka ayaa midabkeedii baddelay, oo timaheedii Baalgorayga ahaa loo muldhiyay.

 

Waxa ay gacanta ugashay Magafayaasha manaxaanka ah, waxa ay u haystaan muddo laba sano ah qadar lacageed oo gaadhaya 14500-kun oo dollar.

 

Walaasheed iyada ka weyn oo warbaahinta la hadashay, iyada oo tiiraanyaysan,  waxa ay bulshada Muslimiinta ah ka codsatay in laga wada qayb qaato samata bixinta gabadhooda yar ee dalka Liibiya ay Magafayaashu madax-furashada ugu haystaan.

 

Waxa ay Barwaaqo iyada oo madaxa qaawan isla markaana timaha laga xiiray, ilmaduna maryaheeda qoysay ay ku bilowday muuqaal ay ka dubeen Magafayaashu “Waxaan idinka codsanaya walaalahayga Muslimiinta in dar ILLAAHEY, Soomaalinimo, aad igu soo caawisaan walaal, lacagta la iga rabaana walaal waa afar iyo toban kun iyo shan boqol oo kun oo dollar, haddii aad halkan ku sii jirto meel kale oo 20-kun oo dollar ah ayaa lagu gudbinayaa,”

 

Gabadh ay jaar yihiin Barwaaqo walaasheed waxa ay sheegtay in marka ay arkaan muuqaalka laga soo duubay Barwaaqo ay qalbiga ka ooyaan, taas oo ay sabab u tahay haynla’aantoodu.

Waxaaney tidhi.“Marka aanu muuqaalkeeda aragno toddoba cisho ayaanan waxbaba cunin, waanu qalbijabnay, walaal ILLAAHEY dartii u soo caawiya, gabadhaas yar ee agoonta ah”

Gabadha ay Barwaaqo walaalaha yihiin, ayaa bulshada Muslimiinta ka codsatay in lagala qayb qaado samata-bixinta ay ugu jiraan gabadhaas yar ee agoonta ah ee madax-furashada Liibiya loogu haysto.

Waxaaney tidhi.“Muddada ay hadda xidhan tahay habeen iyo maalinba way i soo garaacaysay, aniguna waxaan uhayay iyo waxaan u awoodi karayay midna maan haynin, marka dhibaato aad u fara badan oo aan indhaha laga qarsan karin ayaa gabadhaas yar ee agoonta ah ee walaashay ah ku dhacday, marka waxaan bulshada Somaliland, Soomaaliyeed iyo umada Muslimiinta ah ee meelkasta jooga waxaan si naxariisleh uga codsanaya in ay inanta yar iga soo caawiyaan wixii ay ii heli karayaan,”

Dhibta haysata gabadhan yar ee reer Somaliland, ee madax furashada loogu haysto dalka Liibiya ayaan ahayn mid indhaha laga qarsan karo.

ILLAAHEY dartii aan u caawino, hal dollarna waa u xoolo qofka aan hayne, oo ciddii rabta inay ka qayb qaadato hawgu dirto telefoonada la socda warkan kooban ee la xidhiidha agoonta Barwaaqo, ahna telefoonka Nimco Cali Cumar Yuusuf oo ay walaalo yihiin gabadha yar ee xidhan Telesom 0634380071 ama Somtel 0654380071.

 

 

 

Leave a Reply