Golaha Wakiilada oo ansixiyay Xisaab xidhka Miisaaniyad Sannadeedka 2021

0
162

Hargeysa (Dawan):-Mudanayaasha Golaha  Wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay Xisaab xidhka Misaaniyad Sannadeedka 2021 oo hantidhawraha guud ee qaranka  usoo gudbiyay Golaha Baarlamaanka.

Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee shalay oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed  oo ay ka soo xaadireen Xildhibaan 47 Xildhibaan  ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ku ansixiyeen Xisaabxidhka Misaaniyad Sannadeedka 2021,

Waaxana ogolaaday ansixinta Xisaabxidhka Miisaaniyad Sannadeedka 2021  39 Xildhibaan waxaana diiday  hal Xildhibaan waxaana ka aamusay 7 Xildhibaan  guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayuuna ku ansaxay.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka gudida Ilaalinta iyo dabogalka hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Ibraahim Axmed Timojilic ayaa Golaha Baarlamaanka  ka hor akhriyay warbixin ay ka soo diyaariyeen  Xisaabxidhka Miisaaniyad Sannadeedka 2021 iyo talooyin ay soo raaciyeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply