Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo Xadhiga ka Jaray Dhaam’biyood laga Hirgeliyay Degaanka Gocon-dhaale

0
244

Oodweyne (Dawan):-Wasiirka wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Jamhuuriyadda Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta reer miyiga, guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh  ayaa shalay si rasmi ah xadhiga uga jaray  dhaam biyood wayn oo wasaaradda biyuhu ka hirgelisay   deegaanka Gocon-dhaale ee Gobolka Daad madheedh.

Dhaam biyoodkan cusub ee maanta xadhiga laga jaray ayay bulshada degaanka Gocon-dhaale iyo degaanada ku teedsani baahi weyn u qabeen.

Dhaam biyoodkan ayaa wax weyn ka tari doona baahidii biyood ee ka jirtay degaaankaasi, iyada oo bulshada halkaasi ku nooli ay xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda biyaha uga mahadnaqeen hirgalinta ceelbiyoodkan oo ay sheegeen in wakhti loo baahna la daahfuray.

Geestooda wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda ayaa bulshada ku adkeeyay sidii ay Dhaam’biyoodkaasi u ilaashan lahaayeen, waxaanay sheegeen in ay ka xaqabeeli doonaan helitaanka biyaha oo degaankani ku yaraa.

 

Waxa kale oo ay intaas ku dareen masuuliyiintu in Dhaambiyoodkani uu ka mid yahay adeegyada mihiimka u ah ee xagga nolosha lagama maarmaanka u ah, isla markaana ay xukuumaddu ugu talo shagay in ay ka faa’idaystaan dadka xoola dhaqato reer guuraga degaankaani ku nool.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply