Hargeysa: Booliska oo Gacanka ku soo Dhigay Eedaysaneyaal Dilal loo Haysto

0
252

Hargeysa(Dawan):- Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan ciidanka booliska ee caasimadda Hargeysa,ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo midna muwaadin yahay midna u dhashay dalka Itoobiya oo ku eedaysan in ay geysteen laba di loo caasimadda Hargeysa ka kala dhacay laguna dilay laba Marxuum.

 

Dillaka oo ka dhacay laba habeen oo is xiga isla markaana ka kala dhacay agagaarka Hotel Guled iyo Nile Hotel.

Labada di loo hal habeen kala dambeeyay isla markii ay dheceen ba waxaa si deg deg ah uga hawl galay ciidanka booliska  caasimadda Hargeysa oo ku guulaystay in ay labada nin ee ku eedayan in ay dilalkaa geysteen ba gacanta ku soo dhiigay.

 

Qoraal kooban ooo lagu baahiyay barta  ay ciidana boolisku ku leeyihiin Facebook,ayaa lagu sheegay in ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen labada eedaysane isla markaana ay diyaar u yihiin in ay cid kasta oo dambiile ah in ay diyaar u yihiin soo qabasahdiisa iyo in ay hor keenaan sharciga.

 

Qoraalka ciidanka booliska ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan. “Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta ku soo dhigay Eedaysane ifsa Axmed Shariif oo ku Eedaysan ina uu dilay Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq 22 jir.

Eedaysanahan ayaa ku eedaysan in uu ku dilay Marxuumka Feedh jilib uu ku dhuftay, Dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed Ee Magaalada Hargeisa hortiisa.

Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey Dhacdada Dilkaasi ka Hawlgalay waxayna Saacado Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha Oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday.

Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.”

 

Ciidanka booliska oo ka hadlayay dilka labaad ee isna caasimadda Hargeysa ka dhacay iyo cidda loo soo qabtay,ayaa qoraalkooda ku yidhi.Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta ku soo dhigay Eedaysane Baashe Faarax Cabdi oo ku Eedaysan in uu dilay Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 jir ah

Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka toorray Abaaro 2:30 Habeenimo  kaasi oo kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa

Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.

Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.”

Labada dil ayaa markii ay dhaceenba ciidanka  boolisku deg deg uga haw galay isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen eedaysaneyaasha dilalkaa loo haysto.

 

 

Leave a Reply