Wasiirka Beeraha oo la Kulmay Hawl-wadeenno ka Socda UNDP iyo IGAD

0
382

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa shalay la kulmay hawl-wadeeno ka kala socday Hay’adda UNDP iyo ICPAC/IGAD, kuwaas oo samaynayey deraasad ku saabsan adkaysiga dhinaca nolosha ee ay abaaruhu ku yeesheen nolosha bulshada ku nool degmada Sallaxley iyo deegaano ka tirsan  Gabiley.

Sidoo kale, deraasaddan ayaa si siman looga sameynayaa waddamada Kenya, Itoobiya iyo Somaliland.

Hawl-wadeennada ka socda UNDP iyo ICPAC/IGAD, ayaa hore ula kulmay wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada Jamhuuriyadda Somaliland,  Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare.

Geesta kale hawl-wadeennadan ayaa kormeer ku tegay deegaano ay ka sameeyeen Cilmi-baadhis, halka ay bixiyeen Tababbarro arrintaas la xidhiidha.

Leave a Reply