Wasiirka Warfaafinta oo Bulshada u Iftiimiyay Fahamka Dimuquraadiyadda iyo Nidaamka Tartanka

0
465

Qof kasta oo doona in la doorto  wuxuu xaq u leeyahay in cod la siiyo  wax kale xaq kuuguma laha,”.Wasiir  Koore.

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay  in nabedgelyadu sabab u tahay in Horumar laga sameeyo  Ganacsiga  Waxbarashada iyo Caafimaadka dalka.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa intaa ku daray  in loo baahanyahay in Dhallinyarada dalka usoo kacaysaa ay fahmaan marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray iyo xaguu u socdo.

Wasiir  Koore oo arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxa aynu u baahannahay in  maskaxdeena ay ku jirto in Nabedgalyadu hoggaamiso nooc kasta oo horumar ah hadday tahay Ganacsi  Waxbarasho iyo hadday tahay Caafimaad, waxa aynu u baahannahay Dhallinyarada Umadda Somaliland  usoo kacayaa  in ay fahmaan xagee dalkan laga soo qaaday,xaguu u socdaa  hadday caadifadi ina qaado Hargeysa sida sawirkeedu ahaa 1995 1996 1997 sida sawirkeedu ahaa hadaad ogaan la haydeen dad badani waa ku boodi lahaayeen qofka ay ka maqlaan hadal dhib ku ah Hargeysa iyo Burco. waxa laynooga baahanyahay karti aynu ku nidhaahno cidda khaldan maya,”.

Wasiir Koore waxaa kale oo uu tilmaamay in shacabka xaq loogu leeyahay in ay wax doortaan.Waxaanu yidhi”Waxa aynu dooranay nidaamka Dimuqraadiyadda in dalka aynu ku horumarino maaha waddo dhibyar guul darada lama qaato,dastuurku waxa uu qorayaa Saddex xisbi qof kasta oo doona in la doorto waxa uu xaq u leeyahay in la doorto oo codkaaga aad siiso  wax kale xaq kuuguma laha,”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sababta loo doortay in aanay dalka waligeed saddex xisbi uu n hortaagnaan ee lagu tartamo ururo markaa hadday saddexda xisbi ee hore u jiray ay soo baxaan iyo haddii ay qaar cusubi ay soo baxaanba in 10 kii sano ba mar lagu tartamo.

“marki la qoray saddex xisbi ayuu dalku yeelanayaa waxaa  ku qanci waayay ALLE  u naxariistee Madaxweynihii xilligaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,waxaanu yidhi haddii saddex xisbi lagu tartamo taasi waxay noqonaysaa kelitalisnimo waxaana loo baahan yahay in in ay dadku helaan meel ay isku muujin karaan oo ay ku tartami karaan,waana sababta ururo loogu soo tarmayo ee xisbiyo loogu soo gudbayo.”

 

Leave a Reply