Xukuumadda oo Bilawday Dawaynta Xoolaha Gobolka Saraar

0
203

Caynaba (Dawan):- Xukuuadda Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa bilwday dawaynta xoolaha gobola Saraar, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Somaliland ayaa Daweynta Xoolaha ka bilaawday Ceelasha Xooluhu ka Cabbaan biyaha ee ku yaalla magalada Ceynaba iyo deegaanada hoosyimaada.

Isu’duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga ee gobolka Saraar Cali Caalin Ducaale, ayaa faahfaahin ka bixiyay daweynta xoolaha ay bilaabeen iyo mudada ay socon doonto.

Geesta kale waxa uu sheegay in ay kormeer ku soo mareen deegaanada Jaleelo iyo Habari-heshay, si xoolaha degaanadaaasi ku nool si loo caafimaadiyo.

Waxa kale oo uu xusay markasta ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii caafimaadka iyo daryeelka xoolaha looga shaqayn lahaa, madaama lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland uu yahya xoolaha nool.

Waxaanu yidhi.“Waxa aanu daaweynta xoolaha ka bilownay Ceelka Dhibleh oo xoolaha ugu badani ay ka cabaan, waxa socdaalka aanu ceelkani ku imid igu wehelinayay qaar ka mida dhakhaatiirta xagga xoolaha, ujeedadayaduna waxa ay ahayd ka waran haynta daaweynta xoolaha.

Sidoo kale intii aanu wadnay daaweyntan xoolaha waxa aanu soo marnay degaanada Jaleelo iyo Habari-heshay, madaama xooluhu yihiin lafdhabartii dhaqaalaha waddanka, isla markaana loo baahan yahay in si joogto ah loola socdo xaalada caafimaad ee xoolaha.

Daaweynta xoolaha ayaa sii soconaysa waxaanu bulshada xoola dhaqata ku baraarujinay in ay nagu soo wargeliyaan wixii la soo darsa”

Leave a Reply