Mucjisada Tuugadii Taariikhda Gashay!

0
261

Sida caadiga  maalinta cad in lacag la dhaco waxa inta badan ku leh koox tuugo ah oo aad u hubaysan. Laakiin had iyo jeer maaha taasi oo keliya.   Mararka qaarkood waxa dhaca fulin kara koox la aamini karo oo ah ilaalo been abuur weyn ah.

Arintan waxa ay ahayd dhacdadii tuugada ahayd ee ugu waynayd ee dalka Japan ka dhacday bishii December sanadkii 1968. Markii  lacag dhan ¥ 300 milyan lacagta Japan ah,  (Oo u dhigmaysa $ 820,000) laga xaday gaadhi ay ilaalinayeen afar shaqaale amni ah oo ka tirsan Shintaku Ginko Bank.

Gaadhiga waxa joojiyay nin Mooto wata oo ka tirsan booliiska, Askariga ayaa shaqaalaha gaadhiga iyop wadaha u sheegay in la qarxiyay guriga Gudoomiyaha Baanka, isla markaana ay booliisku heleen diginin ah in gaadhiga ay wataan hoostiisa lagu xdihay Bam, isla markaana la doonayo in la qarxiyo.

Intii aanu hadal kale odhan ayay markiiba shaqaalihii iyo darawalkii si kedis daaqadaha u booben oo gaadhiga faaruqiyeen.  Askriga ayaa u sheegay inuu gaadhiga  xagiisa hoose galayo, waxaana uu mar kale ku wargeliyay inay iskaga durkaan madaama uu qarxi karo. Wakhtigaasi ayuu mid kasta si niyad uga baxasaday goobta. Gaadhigu yaallay iyagoo ay naxdin iyo cabsiyi madax martay.

Cajiib, Askariga ayaa markiiba gaadhiga koray waxaana uu kala baxay lacag saarayd oo dhamayd 300 malyuun oo lacagta Japan ah. Ninkan sida xirfadaysan askariga isaga dhigay Waxa uu ahaa Tuug dirayska ciidanka booliiska xidhay.

Baadhitaanku waxa uu ahaa mid si ballaadhan loo galay. Waxa ka qayb qaatay Ilaa 170,000 oo booliis ah, waxaana ay baadhayeen 110,000 oo magacyo laga shakisan ah, iyaga weliba isticmaalaya 780,000 oo sawir qaade ah, guud ahaan dalka Japan. Laakiin ma ay helin tuuggii. Goobta uu fal-dembiyeedka ka dhacay, waxaa laga helay 120 cadeymo ah oo ay ku jiraan mooto “Booliska” iyo “qiiqa iyo holac”, kuwaasi oo noqday olol caadi ah. Booliisku waxa ay markii dambe ogaadeen in qaar ka mid ah “caddaynta” lagu beeray si xariifnimo leh si ay u jahawareeraiyaan baadhitaanada.

Todoba sano ka dib, baadhitaanku wuu dhammaaday iyadoo aan loo xidhin qofna. 1988 kii tuuga waxa laga dhaafay wax kasta oo deymo madani ah, iyo in aan denbi lagu ogayn. Iyagoo uga jeeda keliya in ay ka faa’idaystaan qaabka xirfadaysan ee dhacan uu keligii sameeyay u sheego. Laakiin hal Qofna weli uma soo bixin in uu sheegto tuugadan xirfadaysan..

Leave a Reply