Dawladaha Somaliland iyo Denmark oo ka Wada Hadlay sii Xoojinta Xidhiidhka labada Dal

0
240

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wefti ka socda Denmark oo uu hoggaaminayo Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen.

 

 

 

Hargeysa-(Dawan):-Dawladaha Somaliland iyo Dnmark,ayaa ka wada hadaly xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga laba dawladood iyo sii xoojintiisa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabliay wefti ka socda dalka Denmark oo uu hoggaaminayo Safiirka cusub ee dalkaas Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen.

,

 

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga ka socday Denmark ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga labada dawladood,ammaanka mandaqada iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland kusoo fool leh.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo lagu faah faahiyay kulnak dhex maray Madaxweynaha iyo weftiga ka socday Denmark,ayaa u dhignaa sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,waxa uu maanta(shalay) xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Cusub ee Dalka Denmark Ugu Horrayn, waxa uu madaxweynuhu safiirka warbixin guud ka siiyey xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay tan iyo intii ay la soo noqotay madax-bannaanideeda, xoogana saartay nabadgelyada guud ee dalka oo ay iska kaashadaan marwalba shacabka iyo dawladdu, iyagoo heegan u ah hirgeinta hannaanka Dimuquraaddiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka oo ah waxa ay Somaliland dheertahay dalalka Afrika iyo caalamka intiisa kale meelo ka mid ah.

Waxaana kulanka lagu lafo-guray sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha ay labada dal hore isaga kaashan jireen ee dhinaca horumarinta arrimaaha bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha. Weftiguna dhinacooda waxay ka mahadnaqeen sida uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey, iyagoo shacbiga Somaliland iyo dawladdoodaba ku hambalyeeyey horumarka ballaadhan ee dhinac walba ah ee ay ku tallaabsadeen.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka wehelinayaan ku xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland.

 

 

 

 

Leave a Reply