Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo ka Qayb Galay Shir Caalami ah oo lagu Qabtay Dalka Baxrayn

0
349

Heshiisyo caalamiya oo Baanka dhexe iyo Hay’adda AAOIFI ay kala saxeexdeen

 Bahrayn(Dawan):- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Eng Cali Daahir Cabdilaahi,ayaa  dalka Baxrayn kaga qayb galay shir caalami aho oo dalkaas lagu qabtay oo ay ka soo qayb galeen hay’addaha maaliyadeed ee islaamiga ah iyo madaxda maaliyadeed ee 45 dal.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Eng Cali oo khadka Whatsaap ka ugu waramay wargeysa Dawan,ayaa ka hadlay ahmiyadda Somaliland qaran ahaan uu shirkaasi u leeyahay iyo heshiisyo caalami ah oo baanka dhexe ee Somaliland la saxeexday Ha’yadda maaliyaeed ee ay ku midaysan yihin hay’addaha maaliyadeed ee Islaamiga ah iyo baananka Islaamka ee magaceeda loosoo gaabiyo  AAOIFI.

Waxaanu intaa raaciyay Guddoomiye Eng Cali in markii ugu horraysay Baanka dhexe ee Somaliland loo ogolaaday in uu xubin buuxda ka noqdo hay’adda  (The Accounting and Auditing Organisation for Islamic Financial Institutions) AAOIFI,isla markaana ay kala saxeexdeen heshiis caalami ah oo dhanka tababarada ah.

Waxaanu iftiimiyay in baanka horumarnta islaamka iyo hay’adda AAOIFI, in ay ku qanceen habka maaliyadeed ee Baanka dhexe ee Somaliland u shaqeeyo oo ah mid habka islaamiga ah ku shaqeeya oo  sugan.

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay kulamo gooni gooni ah oo uu la yeeshay Madaxda hay’addaha maaliyadeed ee shirka ka qayb galay oo ay ka wada hadleen iskaashi  iyo wada shaqayn dhex marta Baanka dhexe ee Somaliland iyo baananka shirk aka qayb galay.

 

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Eng Cali oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “ waxaa maanta(Dorraad) ka furmay Wadanka Bahrain Shir ay wada jir usoo qaban qaabiyeen Baanka Dhexe ee Bahrain, Ha’yadda AAOIFI iyo Baanka Hurumarinta Islaamka, Waxa kasoo qayb galay Ergo illaa 500 Xubnood ah oo ka kala socda Hay’adaha Maaliyadeed ee Xubnaha ka ah AAOIFI.

 

Intii Shirku socday Heshiis ku wada Saxeexday Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda AAOIFI..”

 

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xubinta rasmiga ah  ee Baanka dhexe ee Somaliland uu ka noqday hay;adda caalamiga ah ee  AAOIFI,ayaa yidhi.”Laga bilaabo Maanta(dorraad) 27.11.2022, waxa Baanka Dhexe ee Somaliland si buuxda Xubin uga noqday Hay’adda Calaamiga ah ee soo saarta Hagayaasha halbeegga u ah Hay’addaha Maaliyadeed ee Islaamiga ah taas oo marka magaceeda laso gaabiyo loo yaqaano AAOIFI.

Markii ay ku qanceen in ay shuruudihi looga baahna uu buuxiyay Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland..

 

Guud ahaan Hay’adaha Maaliyadeed ee xubnaha ka ah AAOIFI waxay ka kala socdeen in ka badan 45 dal.”

Waxaaanu intaa raaciyay in Baanka dhexe ee Somaliland iyo hay’adda (The Accounting and Auditing Organisation for Islamic Financial Institutions)  AAOIFI ay iska kaashan doonaan tababarro la siiyo shaqaalaha  Baanka dhexe iyo dhammaan Hay’addaha maaliyadeed ee Somaliland.

Tababaraddaas oo lagu qaban doono Somaliland isla markaana ay wada fulin doonaan Baanka dhexe ee Somaliland iyo hay’adda caalamiga ah ee AAOIFI.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland ayay hay’adda AAOIFI ku maamuustay shahaado sharaf uu ku mutaystay habka shaqo ee Baanka dhexe u shaqeeyo.

Heshiisyada Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Hay’adda AAOIFI ay kala saxeexdeen ayaa kala ah

Heshiiska koobaad

 

 

  1. In Baanka Dhexe JSL uu noqdo Goob lagu galo Imtixaanada Fellowship Programs-ka ay bixiso Hay’adda AAOIFI si loo kobciyo dhanka aqoonta.
  2. CSAA (Certified Sharia Advisor and Auditor)
  3. CIPA (Certified Islamic Professional Accountant)
  4. CPFAS, (Certified Proficiency in Financial Accounting Standards).

Heshiiska Labaad

  1. In Ha’yadda AAOIFI la dhisto Baanka Dhexe JSL Guddida Culimada (Central Sharia Supervisory Board) ee uu yeelan doono Baanka dhexe
  2. In Baanka dhexe JSL iyo Hay’adda Calaamiga ah ee AAOIFI iska kaashadan dhinaca cilmi baadhista.
  3. In hay’adda caalamiga ee AAOIFI ay u qabato barnaamijyo kor loogu qaadayo tayada Shaqaalaha Baanka Dhexe.

Leave a Reply