Sirta Cimriga Dheer iyo Caafimaadka! Bulshada ugu Caafimadka Badan!

0
433

Sanadkii 1984 madaark,a London ciidanka xafiiska imgareeshinka ayaa ka shakiyay nin sitay basaaboor ay ugu qoran tahay taariikhda dhalashadiisa 1932, haddana muuqaalka wejigiisa u muuqdo in aanu k,a weynayn 30 sano.

Haddaba woqooyiga Dalka Pakistan dooxada Hunza ee ku taalla buuralayd Karakoram, waxa degan qabiilo aan timaheedu ciraysan isla markaana cimir dheer oo aad caafimoodkuna u sareeyo, xanuunkuna aad ugu yar yahay.  Waxaana yaab leh, in bulshadan aanay taariikhda noloshooda weligood aanu qof keliyana kaga dhicin xanuunka kansarka. Waxa kale oo jirta in dumarka qabiilkan ee da’doodu tahay 65- 70 sano uu wejigoodu weli u muuqdo inay yihiin caruur isla markaana ay weliba da’daasi ku dhalaan caruur ,..Bulshadani waxay ku hadlaan luqadda Brochsky, waxaana la sheegay inay yihiin farac ka mid ah ciidanka “Alejgent Dar”, kaas oo yimid gobolkan qarnigii afraad.

Dadka deegankani dhamaantood waa muslimiin dhaqankooduna kama duwan ka shacabka Pakistan ee kale, tira koobka bulshada deegaanka dooxada “Hunza Valley” waxa lagu qiyaasay 87,000. Nidaamka noloshooda ayaa ah mid gaar ah kaasi oo sababay inay dhalinyarnimada joogto ku ahaadaan. Laakiin taasi waxa sabab looga dhigaa raashinka ay quutaan kaasi oo ah:

Khudaarta darayga ah, midhaha, caanaha, beedka iyo lawska, Midhaha ay quutaan ayaa la sheegay inay ku jiraan maadooyin Fayraska Kansarka difaac ka ah. Dhinaca maydhashada jidhka waxay isticmaalaan biyo qabow inkasta oo sanadka intiisa badan deegaankoodu uu yahay mid qabow. Maalin kasta waxay lugeeyaan 15-20 Km, taasi oo ah dhaqan ay leeyihiin. Sidaa darteed waxaad arkaysa qof ku jira da’da 70 sano oo u muuqda sida qof dhalinyaro ah xoogiisa iyo muuqaalkiisba. Waxaana cimri ahaan ay gaadhaan da’da 140 sano.

Dadku way caafimaad qabaan weligoodna araga indhahoodu ma daciifo,maqalakooduna waa la mid isla markaana ma ilko beelaan. Waa dad dhuudhuubaan oo aan weligood buurni iyo ciyil midna lahayn. Waana dad ka nabad galay xanuunka asaasaqa oo ilaa wakhtiga ugu danbeeya maskaxdoodu waa mid caafimaad qabta. Waa bulsho aan belwad lahayn, ma cabaan khamriga iyo dhamaan wax kasta oo maandooriye ah.

Hilibka ma cunaan sanadka dhan waxay isticmaalaan laba jeer oo keliya.  Waa bulsho aqoonta ahmiyada koowaad siiya waxaana ay kula dadlaan hablaha iyadoo 90% ay hablaha deegaanku yihiin kuwo aqoon sare leh halka raggana ay 70% aqoon yahano yihiin. Laakiin sababta caan ka dhigtay maaha aqoonta iyo cilmiga ay leeyihiin waa iyagoo noqday bulshada ugu cimriga dheer dunidan aynu joogno.

Buuga lagu magacaabo Healthy at 100 ee uu qoray Mr. John Robbins, ayaa waxa ku jira cutub cinwaankiisu yahay “Hunza: Dadka Qoob-ka-ciyaarka ah sameeya iyagoo Sagaashan jir ah.”

Haddaba, maxay tahay sirta dadkan muddada dheer noolaadaan?  Waa maxay sababta ay bulshada Hunza ee Reer miyig ah ee adhiga raacda buuraha u korayaan sida Riyaha iyagoo 90 jir ah?

Andrew Thomas Weil waa dhakhtar caan ah oo Maraykan waxaana uu qabaa in ay jiraan laba sababood oo waaweyn oo keena cimri degdega kuwaas oo ah : werwerka iyo cunto xumada ( Cunto aan dheelitirayn). Haddaba sahamiyaashii reer galbeedka ayaa cadeeyay in bulshada Hunza ay ahaayeen bulshada ugu farxadda badan.

Nuqul duug ah oo ka mid ah Joornaalka Royal Geographical Society ayaa lagu qoray: “Ragga Hunzan… waxay ahaayeen ragga ugu farxadda badan uguna raalli-gelinta badan ee aan waligayo safar la galo.”

 

Leave a Reply