Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyay Odoroska Miisaaniyad sannadeedka 2023

0
416

Hargeysa (Dawan):-Golaha wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2023-ka taas oo wax ka baddel iyo kaabis ay ku sameeyeen guddida dhaqaalaha maaliyadda iyo ganacsiga ee golaha wakiillada.

Fadhiga shalay ee golaha wakiilada oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa ka soo xaadiray 65 mudane, oo ka mid ah 82 xildhibaan ee goluhu ka kooban yahay.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdillaahi Muuse (Caga-weyne), ahna guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha maaliyadda iyo ganacsiga ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa xildhibaanadii golaha ka soo xaadiray warbixin ka siiyay ansixinta odoroska miisaaniyad sannadeedka 2023-ka iyo meelaha ay u kala qaybsan tahay, waxaanu golaha u soo jeediyay in ay ansixiyaan.

Codqaadis kadib waxa ogolaaday in la ansixiyo odoroska miisaaniyad sannadeedka 2023-ka oo ay golaha wakiilladu kaabis iyo wax ka baddel ku sameeyeen 55 mudane, waxa diiday 4 mudane, waxaa ka aamusay 5 mudane, guddoomiyuhuna muu codayn sidaasi ayay ku ansaxday odoroska miisaaniyad sannadeedka 2023-ku.

Ansixinta miisaaniyada kadib guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa mudanayaasha golahaasi ku wargeliyay inay galaan fasax dhan muddo 8 toddobaad ah.

 

Leave a Reply