Wefti ka Socda Somaliland oo la Kulan la yeeshay Wasiir ka Tirsan Wales

0
237

Wales(Dawan):- Wefti ka socda Somaliland oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan(Indha indho) iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Marwo Yurub Abiib Cabdi,ayaa kulan la qaatay wasiiro ka trsan Xukuumadda Ingiriiska.

Weftiga Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga carriga Ingiriiska  oo uu hoggaaminayo Xildhbaan Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland,ayaa muddooyinkii u dambeeyayba kulamo la qaadanayay Madx sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska.

Kulamdii ugu dambeeyayna waxay kula qaateen Xafiiska Raysal-wasaaraha Gobolka Wales Wasiirrada u qaabilsan arrimaha Africa iyo Caalamka Jan Hutt Ms.

 

 

 

Kulankaas laba geesoodka ah oo ay soo qaban qaabiyeen xubno Somaliland u dhashay oo ay ka mid ahaayeen Cabdikariin Cabdi Aadan oo ka mid ah la taliyeyaasha wasaaradda xidhiidhka gollayaasha iyo arrimaha distoorka ee Somaliland iyo Xildhibaan Siciid Ismaaciil Aadan oo laga soo doorto Magaaladda Newport ee Gobolka Wales.

 

 

 

Waxay labada dhinac ka wada hadleen Xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Wales-ka, iyadoo uu kal hore Mooshin ka keenay Xildhibaan John Grafis iyo qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Wales-ka.

 

Waxaa kale oo labada dhinac isla qaateen sidii ay Somaliland wefti ugu soo diri lahayd Gobolka Wales-ka si ay ula kulmaan Mas’uuliyiinta dhigooda ah ee Gobolkaas isla markaana ay uga wada hadli lahaayeen habka curinta xeerarka u gudbaya golleyaasha sharci dejinta iskaashina looga yeelan lahaa waxbarashadda iyo cimilada.

 

Sida uu warku sheegayo shirkaas ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca xafiiska Raysal wasaaraha Gobolka Wales iyadoo go’aamadii ka soo baxay ay wasiirku ballanqaaday inay u gudbinayso xafiisyada dawladda Wales-ka iyo Baarlamaankooda.

 

Waxaa kale oo ay ballanqaaday inay Khubaro taburucaad ah u diri doonaan Somaliland si ay muddo 8 Todobaad ah ugala shaqeeyaan hay’adaha dawladda ee Somaliland, iyagoo hindisahaas ka soo dheegtay warbixin uu diyaariyey Sir Cali Cabdi Aadan oo matalayay Dawladda Wales-ka oo booqasho ku yimid Somaliland.

 

 

 

 

Dhinaca kale Weftiga ka socda Somaliland waxay ka qayb galeen kulan gaar ah o ay soo diyaariyeen xarunta jaaliyadda Africa ee Waleshka.

 

Guddoomiyaha Guddida booliska ee Konfurta Waleshka Mudane Alen Michael oo ah ruug cadaa meel weyn kaga jira qaddiyadda aqoonsi raadinta Jamhuuryadda Somaliland Isla markaana Xildhibaan ka soo noqday Baarlamaanka Uk ayaa weftiga soo dhaweeyay.

 

Leave a Reply