Guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Rayidka ah oo ka Hadlay Qabsoomidda Shirweynahooga

0
148

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha ururka xidhiidhka guud ee shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland Maxamuud Axmed Cabdi ayaa soo jeediyay in xeer gaara loo sameeyo Ururada shaqaalaha rayidka.

Guddoomiyaha ururka xidhiidhka guud ee shaqaalaha rayidka ah oo Shalay u Waramayay Warbaahinta qaranka  sheegay in  ay u xilsaarantahay  Wasaarada Shaqada Arimaha Bulshada iyo Qoyska  diwaangalinta xeerarka Ururada Shaqaalaha.

“Ururada shaqaalaha rayidka ah waa in xeer gaara oo midaysan  loo sameeyo Wasaarada Shaqada Arimaha Bulshada iyo Qoyska ayaa ka masuul ah wixii ku saabsan Xeerarka Ururada Shaqaalaha Diwaangalintooda iyo ansixintooda,waaxaanan u mahadnaqaynaa  Wasaarada Shaqada Arimaha Bulshada iyo Qoyska si fiican ayay ula shaqaysaa Ururada Shaqaalaha rayidka ah waanay nala fahamsantahay in Ururada Shaqaalaha rayidka ahi ay  midaysan yihiin,”.ayuu yidhi Maxamuud Axmed.

waxaanu  tilmaamay in ay qaban doonaan sannadka soo socda Shirweynihii Ururka Shaqaalaha Rayidka.Waxaanu yidhi.”Waxaanu  doonaynaa in aanu qabano sannadka soo socda  Shirweynihii Ururka Shaqaalaha guud ee Rayidka,waanu noo dhammaystiran yihiin Xeerkii Ururka iyo Xeer hosaadkii Ururka Shaqaalaha guud ee rayidka iyo  xeerkii Ururka Shaqaalaha rayidka  ee heer Gobol  iyo heer qaran intuba way noo dhammaystiran yihiin, waxaana Shirweynahoodii qabsaday Ururka Macalimiinta.waxaana ka mid ah Ururada jira ee soo  kobcaya  ururada  Qareenada SOLJA  Huteelada  Jaamacadaha  Dhismaha  Cagafyada Rayiisleyaasha iyo kaboolayaasha,”.

 

 

 

 

Leave a Reply