Wasiirka Horumarinta Biyaha oo Madaxdhaqameed ku Maamuusay Hadhimo Sharafeed

0
194

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaarada horumarinta biyaha Somaliland  cali xasan maxamed ( Cali Mareexan )oo maalmihi u danbeyey ku sugnaa gobolada bariga Somaliland  ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay madax dhaqameedka, cuqaasha, wax-garadka, dhallinyarada iyo labeenta ka soo jeeda degaanka dhagax dheer dheryelay ,taallo buur, degaanada ka sarreeya xuduudka Somaliland  ee Itoobiya.

 

Wasiirka ayaa Madaxdhaqameedka  iyo waxgaradka uu hadhimo sharafeedka  ku maamuusay, ka wada hadleen  mashaariicda horurmarineed ee wasaarada biyaha Somaliland  ka qabanayso degaanadaasii ay ka soo jeedaan madax dhaqameedka odayaasha casuumadda uu u sameeyay.

 

Waxaa  kulankaasi goob joog ka ahaa maareeyaha wakaalada biyaha Burco Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud

Ugu  horrayn waxaa halkaasi ka hadlay Jiif  Caaqil Axmed Maxamed Xaaji Xasan iyo Jiif  Caaqil Saleeban Cawl iyo odayaal kale waxaanay wasiirka wasaarada biyaha Somaliland  Cali Mareexan uga mahad naqeen kulankasi hadhimo sharafeedka ah iyo sidoo kale riig cusub oo wasaarada biyaha Somaliland  ka hir gelinayso degaanka dhagax dheer ee gobolka Togdheer iyo mashaaricaha dhinaca biyaha ah ee wasaararaddu ka qaban doonto degaanadasi

dhinaca kale waxay madax dhaqameedku caddeeyen in ay taagersan yihin siyaasayada xukuumada talada dalka haysa ee uu gadh wadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga KULMIYE

waxanay madax dhqameedkaasi ay ballan qaaden in ay la shaqayn doonan wasiirka wasaarada biyaha somaliland cali xasan maxamed

gabagabadii wasiirka wasaarada horumarinta Somaliland  Cali Mareexan ayaa madax dhaqameedka iyo cuqaasha uga mahad naqay ka soo qayb galka hadhimo sharafeedkasi waxaan uu wasiir cali xasan maxamed balan qaaday in wasaarada biyaha somaliland riig biyood ka taagi doonta degaanka dhagax dheer ee gobolka Togdheer

isagoo wasiirka wasaarada biyaha Somaliland  hadhimo sharafeedkaasi ka caddeeyey sida ay wasaarada biyaha Somaliland  uga go,antay horumarinta mashaariicda ku saabsan dhinaca biyaha ee degaanadaasi.

Leave a Reply