Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Tababar u Qabatay 15 Degmo

0
202

Hargeysa(Dawan):-Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland,ayaa tabaar u qabatay hawl wadeeno ka socda shan iyo toban degmo,tababarkaas oo ku saabsan xog uruurinta degmooyinka.

 

Tababarka oo uu furay Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf  Ismaaciil,ayaa ka hadlay muhiimadda tababarkaasi u leeyahay degmooyinka iyo sida ay lama huraanka u tahay in la helo xog dhammasytiran oo degmooyinka laga soo sameeyo.

 

Ugu horrayn waxaa tababarka ka hadlay masuul ka socdey Hay’adda UNHABBITAT, kaa soo bixinayey tababarkan ku saabsan xog-uruurinta 15 degmo oo ka mid ah Degmooyinka Somaliland, masuulkan ayaa sheegay muhiimada tababarkani u leeyahay agaasimeyaasha ka socda Degmooyinka lagu samaynayo xog-uruurinta.

Dhinaca kalena Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil,oo furay tababarka ayaa sheegay in ay dedaalaan kooxda soo uruurinaysa xogta Degmooyinka, isagoo sheegay in ay kala badan yihiin waqtiga oo kooban iyo hawsha la qabanayo oo ah mid ballaadhan,taasoo ah in xog dhamaystiran laga keeno 15 Degmo, xogtaasoo ah hannaanka maamul daadejinta iyo qorshaha Qaranka ee shanta sano.

Tababarkan ayaa socon doona muddo laba cisho,ah waxaana ka soo qayb galay Agaasimeyaasha 15 Degmo iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha  Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply