“Mustaqbalkeena si Maangal ah ma uga Talinaa.?. Cumar Axmed Cali

0
265

Hargeysa(Dawan):-Waxa ifo-faalaheeda iyo saadaasheedu  muuqataa in ay dhawaan shacabka reer Somaliland  hor iman doonto fursad iyo jaanis dahabi ah oo haddii  aynu si maangal ah  uga faa’iidaysano, ibo-fur iyo bilow fiican u noqon karta  jid cusub iyo jaho cusub oo aynu geediga u rarno. Waa se haddii ay waayo-aragnimo iyo garaad  innoo kordheene.

 

Sideedaba marka la dooranayo hoggaamiye hadaf iyo himilo ummadeed xambaari kara, sidoo kalena  ka midho dhalin kara yoolalka iyo ujeedooyinka ay shacabku higsanayaan, waxa jira hal-beegyo iyo min-qiyaasyo ay daruuri tahay in loo eego cidda la dooranayo.

 

Tusaale ahaan waa  in shaqsiga la dooranayaa uu leeyahay astaamahan iyo sifooyinkan  soo socda:- 1: daacadnimo (honesty) 2: aragti fog (vision) 3: karti  (competence) 4: caqli badan (intelligence) 5: kasbasho  (inspiration). haddii se hal-beeggu  yahay  waa reerma, ama waa markeenii, xaalku waa reerba’oow yaa ku leh.

 

Waxa kale oo qofka xilka ummadda u hanqal-taagaya  lagu qiimeyn karaa, hadba sida uu xog-ogaal ugu yahay, dhibaatooyinka iyo duruufaha ay la-ladgamayaan bulshada uu codkeeda doonayaa. Iyadoo arrintaana lagu ogaan karo, hadba sida farshaxannimada iyo xeel-dheerida leh ee uu u tilmaamo  ama uu u iftiimiyo xaaladaha nololeed ee bulshadiisu la dhutinayso.

 

Qofka xilka ummadda u guclaynayaa, waa in uu soo bandhigaa qorsheyaal cad-cad iyo daraasado si cilmiyaysan loo soo lafo-guray, islamarkaana ka turjumaya baahiyaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee bulshadu la tiicayso, isagoo  waliba farta ku fiiqaya dhabaha iyo jidka  uu doonaya in uu bulshada horumar ku gaadhsiiyo.

 

Shacabka Somaliland waxa maanta ugu adag  ee ay la xarbiyayaan waa adeegyada bulshada oo si weyn ugu qaaliyoobay, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, laydhka  iyo  dhulkii ay dagi-la haayeen oo aanay isna awoodi karin in ay iibsadaan, iyadoo dakhliga   qofka Somalilander-ka ah soo galana lagu qiyaaso cel-celis ahaan  $2.5 maalintii.

 

 

Hadaba inta aynu caqli iyo garasho iska baadh-baadhno, islamarkaana qabyaaladda iyo tola’ayeeyda inna daashatay iska deyno, bal-inta maanta inna hortaagan uun si maangal ah mow kala xulanaa?.

 

Leave a Reply