Wasaaradda Maaliyadda oo Bulshada u Jeedisay Bixinta Cashuuraha Macaashal-macaashka ah

0
274

Hargeysa-(Dawan):- Wasaarada Maaliyadda ayaa bulshada ugu baaqay inay bixiyaan cashuuraha macaashal-macaashka daaraha kirada ah iyo adeegyada iibka.

Fariin ay Wasaarada Maaliyaddu soo saartay shalay oo ku waajahan bulshada ayaa loogu sheegay maadaama saddexdii bilood ee u dambeeyey sannadka lagu jiro inay cashuuraha sharcigu ku waajibiyey ee macaashal-macaashka, kirada guryaha iyo iibka ku bixiyaan wakhtigeeda.

Wasaarada Maaliyadda ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso dhamaan bulshada Somaliland ee sida wanaagsan u bixiya cashuuraha ku waajibay.

Wasaarada ayaa u soo jeediyey qof kasta oo ay ku baaqdeen cashuurha macaashal-macaashka, kirada guryaha, iyo iibka (GST) ay ku bixiyaan xafiisyada cashuuraha Berriga ugu dhow, intaan loogu iman goobahooda shaqo, talaabo sharci ahna laga qaadin.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply