Filimkii ugu fiicnaa ee abid soo maray dunida oo shaaca laga qaaday

0
399

Koox khubaro ah ayaa Filim ay jilitaankiisa hageysay haweeney u xushay in uu yahay filimkii ugu fiicnaa ee abid soo maray taariikhda filimada caalamka.

Filimkan oo lagu magacaabo “Jeanne Dielman, 23 quai du Commerce, 1080 Bruxelles”, oo ay agaasintay ila markaana jilistiisa hagtay Chantal Akerman, ayaa kaalinta 1-aad ka galay ra’yi ururinta muuqaallada iyo codadka ee Machadka Filimada Ingiriiska.

Waa markii ugu horeysay oo shaqo ay hagayso haweeney ay soo gasho  tobanka kaalmood ee ugu sarreeya ee qiimeynta filimada.

Codeynta lagu kala dooranayay filimada oo tobankii sano ba hal mar la sameeyo ayaa lagu dhaliilay in aanay ahayn mid caddaalad, mar walbana lagu xusho filimo gaar ah.

Booska ugu sarreeya ee guusha ama filimkii ugu fiicnaa abid waxaa muddo 40 sano ah ku jiray filimka “Citizen Kane” oo uu hagay Orson Welles.

Waxaa sanadkii 2012 booska kala wareegay filimka uu hagay Alfred Hitchcock ee lagu magacaabo “Vertigo”.

Filimkan Jeanne Dielman, oo la sii daayay 1975-kii, waxa uu ku saabsan yahay sheekada haweenay garoob ah kana soo jeedda Belgium oo jirkeeda ka ganacsan jirtay si ay u hesho nolol maalmeedkeeda, laakiin waxay dishay mid ka mid ah macaamiisheeda.

Filimku waxa uu soconayaa ku dhawaad ​​saddex saacadood iyo badh.

In kasta oo aan si fiican looga aqoon meelo badan oo adduunka ah haddana dhaleeceyn looma jeedin sida filimadii horay ugu guuleystay kaalinta koowaad, waxaase kan la huwiyay ammaan.

Chantal Akerman oo u dhalatay dalka Belgium-ka, ayaa geeriyootay sanadkii 2015 iyadoo 65 jir ahayd. Lillian Crawford oo faaqidda filimada ahna qoraa ka qayb qaatay ra’yi ururinta ayaa sheegtay in filimku ahaa mid muhiim ah.

“Jeanne Dielman ma ahan filim aan ku dhihi lahaa qof shaleemada soo galaya kani waa filimkii ugu horreeyay ee ay tahay inaad aragto,” ayay tidhi Lillian Crawford oo la hadashay warbaahinta.

“Waxaan u maleynayaa haddii aad rabto inaad ka shaqeyso liiska, laga yaabee inaad u sameyso hab kale oo aad u dhisto sheekada si kale, sababta oo ah waa arrin aad u adag inaad dadka ku casuumto si ay tan u arkaan.”

“Laakiin marka la eego dareenka aqooneed iyo ka fekerka masrixiyadda iyo dhiirigelinta dad badan si ay u raadiyaan, filimaan dumar ah, iyo marka la eego taariikhda maslaxa haweenka, tani gabi ahaanba waa nooca qoraalku u yahay lagama maarmaan,” ayay tidhi Lillian Crawford.

Maqaal uu u qoray mid ka mid ah mas’uuliyiinta machadka filimada Ingiriiska, Laura Mulvey, oo ah barafasoor daraasaadka filimada ka dhiga jaamacadda Birkbeck, ayaa codbixinta ku tilmaantay “gariir degdeg ah”.

Codbixinta waxaa sameysay majaladda aragga iyo codka ee Machadka Filimada Ingiriiska tobankii sano ee la soo dhaafay ilaa 1952.

Waxa ay la kulantay dhaleecayn hore oo ku saabsan kala duwanaansho la’aanta khubarada ra’yi dhiibtay iyo liiska 100ka filim ee ugu wanaagsan ee la doortay.

Sannadkii 2012-kii, Jeanne Dielman waxa ay ka mid ahayd laba filim oo ay dumarku hagayeen kuwaas oo ku soo biiray liiska, oo uu weheliyo mid uu sameeyay agaasime madow – Djibril Diop Mambéty’s Touki Bouki.

Sanadihii la soo dhaafay tirada iyo kala duwanaanta dadka ayaa koradhay. Sannadkan, 1,639 oo ah dadka ka faallooda filimaanta, barnaamij-yaqaano, khubaro, kaydiyaal iyo aqoonyahanno ayaa la waydiistay inay doortaan tobankooda filim ee ugu sarreeya.

Guuleystaha kulankii ugu dambeeyay ee Vertigo ayaa helay kaalinta labaad,halka Citizen Kane uu galay kaalinta seddexaad.

Sheekada Tokyo ee Yasujirō Ozu ayaa soo gashay kaalinta afraad, waxaana ku xiga Wong Kar Wai’s In the Mod for Love oo galay kaalinta shanaad.

Leave a Reply