Sidee ayay raggan ugu badheedheen safar layaab leh oo ah Afrika ilaa Yurub

0
333

Dowladda Spain ayaa sheegtay in saddex nin ay ku daba dhegeen Markab hoostiis kaddib safr qaatay 11 maalmood oo ay ka soo billaabeen Nigeria.

Sawir laga soo qaaday ayaa muujinaya raggan oo ku fadhiya sagxadda hoose ee markabkan oo shidaalka qaada, iyada oo cagahoodu ay wax ka yar hal mitir u jiraan biyaha.

Waxaa markii dambe loo qaaday isbitaalka iyaga oo laga daweeyay fuuq-bax ku dhacay.

Ma cadda sababta ay safarkooda ugu qaateen markabka hoostiisa.

Markabkan oo laga leeyahay jasiiradda Malta laguna magacaabo Althini II ayaa tegay magaalada Las Palmas, Gran Canaria, isaga oo ka soo tegay magaalada Lagos ee dalka Nigeria – safarkaas ayaa qaatay wax ka badan 2,700 oo meyl – sida laga soo xigtay xogta baraha la socodka badaha.

Ma aha markii ugu horreysay ee la arko dad ku dhuumanaya sagxadda hoose ee markabka, oo ah meel ballaadhan.

Wiil 14 jir ah oo sanadkii 2020 ka soo safray Lagos ilaa Gran Canaria ayaa wargeyska El Pais u sheegay in safarkiisa oo idil oo 15 maalmood qaatay uu ku hoos jiray sagxadda mar qaada shidaalka.

Markii uu yimid ayaa isbitaal la dhigay, wuxuu quudanayay biyaha cusbada leh ee badda isaga oo seexanayay meel god ah oo ka sagxadda korkeeda ku taalla.

Ragga safarka ay isla soo galeen ayaa yidhi “Annagu aad ayaan daciif u ahayn. Ma moodeyn weligeen in wiilkan uu sidan u adag yahay.” Ayuu yidhi.

 

Dhacdo kale oo isla sanadkaas dhacday, afar nin ayaa laga helay sagxadda markab qaada shidaalka oo Norway laga leeyahay, laguna magacaabo Champion Pula, kaddib markii uu ka soo safray Lagos ilaa Las Palmas.

Wararka ayaa markaas sheegayay in raggan ay isku qariyeen gudaha hal qol oo ka dabeeya sagxadda ayna 10 maalmood badda ku jireen.

Tirada muhaajiriinta badda soo maraya ee ka imanaya Galbeedka Afrika ee gaadhaya jasiiradda Canary ee Spain ayaa kordhayay sanadihii la soo dhaafay.

Safarku waa dheer yahay, waana mid dhib badan oo halis ah.

Sanadkii 2021, Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM) ayaa diwaan geliyay 1,532 dhimasho oo ka dhalatay tahriibka badda.

 

Leave a Reply