Jabhada M23 oo nafta isugu keentay DR Congo

0
327

Saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah ayaa Sabtidii ka billowday DR Congo ka dib markii la sheegay in dad rayid ah lagu xasuuqay bariga dalkaas, waxay dowladdu sheegtay in ay ku dhinteen “in ka badan 100”.

Khamiistii, dawladdu waxay ku eedaysay maleeshiyada M23 – oo waday iskahorimaad bilo socday – inay 50 qof ku gowraceen Kishishe, oo ah tuulo 70 kiiloomitir waqooyi ka xigta magaalada Goma.

M23 ayaa ka jawaabtay, waxayna sheegtay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna beeniyeen in ay beegsadeen dad rayid ah.

Shir ay yeesheen golaha wasiirada Jimcihii, madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi “wuxuu si adag u cambaareeyey xasuuqii loo geystay in ka badan 100 qof oo asalkoodu ka soo jeedo Kishishe,” ayuu yidhi afhayeenka dowladda Patrick Muyaya.

Waxa uu sheegay in Tshisekedi “uu faray dawladda inay ku dhawaaqdo saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah,” isaga oo intaa ku daray in calamada dalka oo dhan kala badh hoos loo dhigi doono.

Muddada baroor diiqdu waxay dhammaan doontaa isniinta iyada oo xaflad lacag uruurin ah laga sii dayn doono telefishinka si loo taageero dhibanayaasha, ayuu yidhi Muyaya.

Tan iyo markii ay soo baxeen wararka ku saabsan xasuuqaasi, waxaa isa soo tarayay baaqyada ku aadan in baadhitaan madax banaan lagu sameeyo.

Madaxweynaha “wuxuu ka codsaday wasiirka cadaaladda inuu furo baadhitaan gudaha ah oo aan daahin, isla markaana uu ka shaqeeyo baaritaan caalami ah si loo iftiimiyo dambiga dagaal”, ayuu yidhi Muyaya.

Dhaqdhaqaaqa 23-ka Maarso, ama M23, waa jabhad u badan Kongo Tutsiga oo sanado hurday.

Waxay mar kale hubka qaadatay bishii November ee sannadkii hore, waxayna bishii June la wareegtay magaalada Bunagana oo ku taalla xuduudka Uganda.

Muddo kooban oo degen ka dib, waxa ay mar kale qaaday weerar bishii Oktoobar, iyada oo si weyn u fidisay dhulkii ay ka talinaysay una sii siqatay Goma.

Kinshasa waxa ay ku eedaynaysaa in ay dariskeeda yar ee Rwanda in ay taageero siiso M23, taas oo khubarada Qaramada Midoobay iyo saraakiisha Maraykanku ay sidoo kale tilmaameen bilihii la soo dhaafay. Kigali way diiday eedaymaha.

 

Leave a Reply