Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo daah-furay mashruuca soo-kabashada Aagga Tamarta Korantada

0
290

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay mashruuca soo kabashada iyo horumarinta Aagga Tamarta korontada, oo loo sameeyey munaasibad maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socda laamaha xukuumadda, Golaha Wakiillada, Baanka Adduunka iyo marti-sharaf kale oo ka socday daneeyayaasha mashruucan.May be an image of 1 person and text that says '"Mashruucani wuxuu la jaan qaadayaa yoolka qaranka ee ah helitaanka tamar koronto oo la awoodi karo" MADAXA MASHRUUCA LIIBAAN MAXAMED MAXAMUUD SELSSINIE MONA তত M aXRU카H MAT AOOA TH3V RoT 0ooo 0๐๐ WORLD BANK GROUP XAFLADDA DAAHFURKA MASHRUUCA SOO KABASHADA IYO HORUMARINTA AAGGA TAMARTA KORONTADA SOMALILAND LAUNCHING EVENT OF SOMALILAND ELECTRICITY SECTOR RECOVERY PROJECT'

Mashruucan soo-kabashada Aagga Tamarta Korantada oo uu Somaliland ka taageerayo Baanka Adduunka, kuna kacay lacag gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar ($50 Million Dollar), ayaa kor loogu qaadayaa kaabeyaasha iyo ilaha laga dhaliyo adeegga Korantada, waxaana munaasibada daah-furka qaban-qaabiyey Wasaaradda tamarta iyo Macdanta oo maamulaysa fulinta iyo hogaaminta barmaamujkan.May be an image of 10 people and people standing

Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo macdanta Foosi Maxamed Faarax oo ugu horayn xaflada hadal ka jeediyey, ayaa u mahad naqay taageeraha mashruucan ee Baanka Adduunka, waxaanu tilmaamo ka bixiyey horumarka ay wasaaraddu ka samaysay dhinacyada horumarinta tamarta Korantada

“helitaanka tamar jaban oo laysku halayn karaa waxay laf-dhabar u tahay xasiloonida koboca dhaqaalaha JSL, wax-soosaarka iyo la-dagaalanka isbedelka cimilada, sidaas awgeed wasaaradda macdanta iyo tamartu waxay guul la taaban karo ka gaadhay horumarinta aaggaga Tamarta, kaasoo qayb laxaadle ka qaata horumarka dhaqaalaha”May be an image of 1 person and text that says '"Mashruucu waxuu maalgelin ku samaynayaa adeega korontada caafimaadka iyo waxbarashada dawliga ah" AGAASIMAHA GUUD FOOSI MAXAMED FARAX TAMARZ OF SO SOO KABA PONTADA S MM SLNTV WORLD BANK GROUP XAFLADDA DAAHFURKA MASHRUUCA SOO KABASHADA IYO HORUMARINTA AAGGA TAMARTA KORONTADA SOMALILAND LAUNCHING EVENT OF SOMALILAND ELECTRICITY SECTOR RECOVERY PROJECT'

Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Qaranka, Axmed Faarax Cadare, Wasiirka wasaaradda horumarinta Deegaanka iyo duur-joogta Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Cali Gaafaadhi iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta maaliyadda Rooda Jaamac Cilmi oo munaasibado hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay horumarinta tamartu u leedahay guud ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan wax-soo-saarka iyo kor-u-qaadida adeegyada aasaasiga ah ee nololsha  bulshada taabanaya.

“si gaar ah waxaanu ugu soo dhaweynaynaa mashruucani inuu wax ka tarayo isbedelka cimilada ee sii kordhaya”ayey tidhi Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

May be an image of 1 person and text that says '"Maanta waxaan ku faraxsanahay mashruucan uu maal geliyay World bank, waxaanu kala shaqeyn doonaa Sharciga tamarta iyo khayraadka GUDOOMIYAHA GUDDIDA KHAYRAADKA IYO TAMARTA EE GOLLAHA WAKIILADDA. XILDHIBAAN MUBAARAK MUUSE ខ AJUUS HoRox A AJIJA WORLD BANK GROUP XAFLADDA DAAHFURKA MASHRUUCA SOO KABASHADA IYO HORUMARINTA AAGGA TAMARTA KORONTADA SOMALILAND LAUNCHING EVENT OF SOMALILAND ELECTRICITY SECTOR RECOVERY PROJECT'

Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaa hadal ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey mashruucan balaadhan, waxaanu tilmaamay inuu ka turjumayo mid kamida tiirarka yoolalka horumarka qaranka, isagoo xusay in Somaliland guullo la taaban karo ku gaadhay isku-tashi iyo qorsheyaal leh hortebin iyo haggeyaal ku dhisan daah-furnaan.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu hambalyo u diray Wasaaradda horumarinta tamarta iyo Macdanta oo uu ku bogaadiyey mashaariicda waaweyn ee ay u diyaarisay aagga korantada iyo qaybaha kale ee ay qaranka u xilsaaran tahay, isagoo sidoo kale mahad-naq u jeediyey Baanka adduunka iyo cid kasta oo taageerta mashaariicda muhiimka u ah dhismaha kaabeyaasha horumarka Waddanka.May be an image of 1 person, standing and text that says 'WORLD BANK GROUP WASAARADDA TAMARTA IYO MACDANTA MINERALS MINISTRY OFENERGY DAAHFURKA MASHRUUCA SOO KABASHADA AAGGA TAMARTA KORONTADA SOMALILAND VENT OF SOMALILAND ELECTRICITY CTOR RECOVERY PROJECT 2022 오 Ambassador Hotel, Hargeisa Somaliland 2256666'

Mashruucan ayaa socon doono muddo lix sannadooda, waxaana lagu horumarin doonaa aaggaga kala duwan ee laga dhaliyo tamarta Korantada oo ay kamid tahay tamarta la cusboonaysiin karo.

Leave a Reply