Nabadgelyada Dalka oo laga Xusay Shir Caalami ah oo ka Furmay Dalka Jarmalka

0
174

Xaaladda Ammaanka Dalka oo Bisha Cas ee Somaliland Caalamka gaadhsiiyey

Berlin-(Dawa):- Shir weyne Caalami ah oo ka furmay dalka Jarmalka,ayaa lagaga dooday ammaanka guud ee Somaliland,shirkaas oo ay Somaliland ku metelaysay isha cas ee Somaliland,ayaa ahaa shirweyne caalami ah.

 

Masuul ka socda Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland ayaa ka qeybgalay shir caalami ah oo lagaga doodayey masiibooyinka dabiiciga ah.

Shirweynahan oo Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Ururka bisha Cas ee Jarmalku soo qabanqaabiyeen, isla markaana ka soo qeybgaleen inta badan wadamadda caalamka ayaa Bisha Cas ee Somaliland oo lagu casuumay qeybna ka ahayd.

Maxamed Aadan sharmaarke oo ka tirsan Bisha Cas  ee Somaliland oo ka hadlay ujeedada shirka iyo muhiimada ugu jirta ka qeybgalka Somaliland ayaa sheegay in ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirka lagu falanqeynayo ahayd masiibooyinka isbedelka cimiladu keentay ama la saadaalin karo, sida dhibaatooyinkooda sida abaaraha, daadadka iyo ayaxu qeyb ka yihiin sidii looga hortegi lahaa.

Wuxuu sheegay in Somaliland tahay waddanka keliya Geeska Afrika ee laga fulinayo mashruuca saadaasha (forecast based). “waxaan la wadaagnay khibradayada, waxa la isku raacay inuu yahay hannaanka keliya ee waxqabad, isla markaana wakhtigan wadammada sida Bangaladesh iyo Haiti ay hirgeliyeen.”

Waxaanu intaa raaciyay in afrika la doonayo inay Somaliland wax ka bartaan. “Waxa la doonayaa in Somaliland wadamada kale ee  Afrika tusaale u noqono siday u hirgelinayaan hannaanka looga hortago abaaraha, daadadka, markaa hadafkayagu wuxuu ahaa sidii khibrada aanu ula wadaagi lahayn, iyo wixii caqabado ah loo buuxin lahaa.”

Dhinaca kale, masuulka Bisha Cas  inuu kulanka ka jeediyey warbixin la xidhiidha xaaladda nabadgelyo dalka ka jirta iyo sidoo kale abaaraha dalka ka jira, waxa kaloo la sheegay in ka qeybgelayaashii shirweynaha xiisaynayeen iskaashi dhexmara bisha cas ee Somaliland.

 

 

Leave a Reply