Didier Deschamps oo Iska Casilaya Xulka France & Ingiriiska oo Sabab u ah

0
270

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa shaqada iska casili doona kaddib kulanka England ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka, waase haddii uu dalkiisu guul-darraysto ciyaartaas.

France oo difaacanaya Koobka Adduunka ayay Sabtida iska hor iman doonaan England oo uu midkood u gudbi doono semi-finalka, waxaana haddii uu Faransiisku difaacdo koobkan oo uu ku guuleysto uu noqon doonaa dalkii labaad ee abid laba jeer oo isku xigta ku guuleysta. Brazil ayaa si xidhiidh ah ugu guuleysatay sannadihii 1958kii iyo 1962kii.

Didier Deschamps oo ay da’diisu tahay 54 jir ayaa afar sannadood ka hor Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka waxa uu u qaaday France, iyadoo sidoo kalena uu sannadkii 1998kii ahaa kabtankii xulka France ee ku guuleystay Koobkii Adduunka ee ay finalka  ku garaaceen Brazil.

Deschamps oo hore loo sheegay inuu doonayo inuu ka tago shaqada xulka marka uu dhamaado Koobka Adduunka, ayaa waxay warbaahinta Ingiriisku sheegtay in uu si degdeg ah ugu dhawaaqi doono is-casilaad haddii uu xulka England ka badiyo oo ay ku hadhaan wareegga siddeedda.

Xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ee FFF ayaa la sheegay in ay mar horeba sii diyaarsadeen beddelka Didier Deschamps, waxaana la rumaysan yahay in heshiis qarsoodi ah ay lasii gaadheen Zinedine Zidane oo noqon doona tababaraha cusub ee xulka France ee beddelaya Deschamps.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta France ee Noel Le Graet ayaa hore u sheegay in ay kulmi doonaan Deschamps oo ay go’aan wada-jir ah gaadhi doonaan haddii uu xulka qaranka France soo gaadho semi-finalka Koobka Adduunka, balse ma aanu caddaynin haddii uu isku dayi doono in Deschamps uu kusii hayo xulka iyo in kale.

Zinedine Zidane oo saddex Champions League  u qaaday Real Madrid muddo afar sannadood iyo badh ah oo uu tababare u ahaa, isla markaana ka mid ahaa xiddigihii 1998kii Faransiiska u qaaday Koobka Adduunka ayaa la sheegay in uu yahay macallinka beddelaya Didier Deschamps ee isku sii diyaarinaya shaqadaas.

Leave a Reply