Garsoorka Dacwadaha Cajiibka Ah!

0
323

Maxkamadaha dunida ayaa marar badan dadka ayay yaab ku ridaa xukunka aan hore loo arag ee ku kala saaraan dadka usoo dacwooday.

Dhowr sano ka hor, nin dhallinyaro ah oo la yidhaahdo Daniel Dukes ayaa dhintay , ka dib markii ninka dhallinyarada ahi isku dayay inuu si qarsoodi ah u galo beer xeebta badda ku taalla oo loogu magaca daray aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga badaha oo Maraykan ah.

Beertan oo ah goob dalxiis isla markaana goobo lagu dabaasho leh, waxay leedahay ilaalo xoogan oo dadka ka ilaaliya. Wiilkaasi ayaa dhex galay biyaha badda si uu ugu dabaasho goobaha raaxada leh, isagoon ogayn meelaha halista ah , markii uu usoo dhacay beertaba wuxu galay goob halis oo uu joogay Nibri kaasi oo isla markiiba dilay.

Laakiin waalidka dhalay wiilka ayaa dacawada ku oogay ilaalada beerta isagoo sheegay inay ku fashilmeen Nibiriga halista ah dadka inay ka ilaaliyaan, taasi ayaa ah sababta uu u dhintay wiilkiisu. Maxkamadda aya xukunka ku riday ilaalada iyadoo u cuskatay inay hawshooda ilaalinta ah ka dayceen isla markaana ay bixiyaan magdhowga shilkaasi.

Waxa kale iyana ka mid ah dacawadhaasi dadku la yaabeen  markii gabadh xaflad soo jeed oo ay saaxibadeed ku casuuntay ku qabatay huteelada waaweyn midkood. Kharashaka xafladda ee laga rabay gabadha ayaa noqday 3000 doller.

Gabadha ayaa markii xafladii gebgebo ku dhowadahay isku deyday inay la baxsato kharashka lacagta laga rabo. Waxaana ay doonaysay inay ka dhcado daaqad ku taallay suuliyada huteelka midkooda. Nasiib daroo markii ay rabtay inay dhacdo ayay siibtay oo isla markiiba dhulka afka ku dhufatay waxaana ka dhacay ilkaheeda hore sida foolasha.  Gabadhaasi ayaa maxkamadda dacawad u gudbisay iyado sheegtay inay sabab u ahaayeen daaqadah liita ee qofka u sahlaya inuu ku fikiro in uu baxsado ama dhaco. Waxaana yaab noqotay markii maxkamaddu kiisaka ku riday Huteelka iyo qaabka u dhisan yahay inay sababtay inay gabadhu ku fikirto inay baxsato sidaa awgeedna ay ganaaxday 12 kun doller inay siiyaan gabadha si ay ilkaha ugu gashato, dhaawaca soo gadhayn iska dawayso.

 

Leave a Reply