Xiddiga Reer Brazil Ee Vinicius Jr oo Burburinaya Heshiiskiisa Marka uu Dib ugu Laabto Real Madrid

0
258

Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa burburin doona heshiiskiisa marka uu dhamaado Koobka Adduunka ee uu dib ugu laabto Real Madrid, waxaana uu xidhiidh laa sameeyey qareennadiisa oo daraasaynaya sidii uu laacibkani uga  bixi lahaa heshiiska uu dulmiga u arko.

Vincius Junior oo xulka qarankiisa Brazil gool u dhaliyey, mid kalena caawiyey ciyaartii ay Isniintii 4-1 ku garaaceen Koonfur Iorea, ayaa waxa uu xilli ciyaareedkii hore xidhnaa kabo ay samaysay shirkadda dharka iyo qalabka ciyaaraha ee Nike, taas oo sannadkii uu ka qaadanayo lacag gaadhaysa £7 milyan oo Gini.

22 Jirkan oo sumcaddiisa iyo magaciisuba si weyn sare ugu kaceen intii uu socda  Koobka Adduunka, ayaa waxa la sheegay inuu dareensan yahay in shirkadda Nike ay ula dhaqantay si aan caddaalad ahayn, isla markaana ay tahay inuu ka baxo heshiiskii uu kula jiray.

Wargeyska O Globo ee kasoo baxa Brazil ayaa waxa uu qoray, in Vinicius uu u sheegay qareennadiisa in ay isku dayaan in ay meesha ka saaraan heshiiska shirkadda Nike uu kula jiro, iyaga  oo qaadaya tallaabo sharci oo ay ku burburinayaan qandaraaskii u dhexeeyey.

Heshiiska uu Vinicius kula jiro shirkadda Nike oo soconaya illaa sannadka  2028 ayaa waxa la sheegay in uu dhibsaday, in xilli ciyaareedkii hore ee uu Real Madrid kula guuleystay Champions League in ay u xidheen kabo noocii hore ee Nike Mercurial ah, iyaga oo aan la simin xiddigaha waaweyyn ee kubadda cagta ee ay sida gaarka ah ula dhaqmaan oo kale.

Waxa kale oo uu ka cadhaysan yahay in aan looga yeedhin tirooyin munaasibado ay shirkadda Nike qabsatay oo ay ka qayb-galeen ciyaartoyda waaweyn ee kubadda cagta.

Laacibkan oo sidoo kale heshiisyo uu lacago badan oo xayaysiisyo ah ka helo kula jira EA Sports, Vivo, Casas Bahia, BetNacional, OneFootball, JetEngage, Golden Concept iyo Royaltiz & Pepsi, waxa kale oo tartan usoo gelaya haddii uu kansalo heshiiska Nike shirkadaha Adidas, Puma iyo Reebok.

 

Leave a Reply